Dagaalkii Siyaasadeed Ee Golaha Wakiillada iyo Xukuumaddu Waxaa Uu U Eeg Yahay Mid Soo Deg-degaya

0
1522

Awoodaha hay’addaha qaranka iyo wada shaqeyntoodu waxa ay ku cadahay dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland, waxa xilka iyo waajibaadka golaha Wakiillada ee wada-shaqeynta xukuumada si cad u qeexaya qodobada dastuurka ee 53aad, 54aad 55aad iyo 56aad .

Madaxweynuhu sababaha uu xilka ku waayi karaana waxaa qeexaya dastuurka dalka gaar ahaan qodobada 86aad iyo 96aad ee dastuurka somaliland , waxaana u xil-saaran hadii ay dhacaan in ay waajibaadkooga ka gutaan goleyaasha baarlamaanka dalka jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynaha waxa lagu soo gole joojin karaa hadii uu galo asbaabaha ku xusan qodobka 96aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 1aad ilaa 5naad , waxaana xilka lagaga xayuubin karaa kalabadh golaha iyo mid ( 42 xubnood ) absolutely majority.

Qodobka 56aad ee dastuurka laftiisa waxa ku jira xiliyo madaxweynuhu kala diri karo golaha wakiilada laakiin maaha wax sahlan oo waa marka afti ay dadweynaha dalka maxkamada dastuuriga ahi ka qaado.

Ha yeeshee marka aad dhagaysato dooda xeer hoosaadka golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland waxa ku jira in goluhuna shirgudoonka cusleeyeen sida kursiga lagaga qaadi karo , soona hadal qaadeen gole joojinta madaxweynaha ee ku xardhan qodobka 96aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland.

Markaa waxaa soo muuqda in golihii wakiilada iyo xukuumada uu dagaal siyaasadeed u bilaabmayo , halkii la eegayey in waxyaabihii duruufaha dalka iyo dadka noloshooda taabanaya in laga hadlo oo miisaaniyada qaranku ugu horeyso, oo arimaha daruuriga ah iyo baahiyaha dadka iyo dalku qabaan si wadaniyad leh loo waajaho.

Hadii uu dagaal siyaasadeed oo goleyaasha qaranka ahi bilaabmo waxa yaraan doona waxqabadka xukuumada iyo wax soo saarka golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland labadoodaba , xili adag oo baahi weyn loo qabo wax qabad xukuumadeed iyo wax soo saar xeerarka dalka ah

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

LEAVE A REPLY