Dagaalka Itoobiya iyo Saameynta Geeska Africa

0
1978

Sida aan lawada socono waxa muuqata in dagaalka Itoobiya ka Dhex-qarxay uu maalinba maalinta ka danbaysa kasii darayo, Kadib markii ay dib u qabsadeen xoogaga Tigreegu inta badan Dhulka Hoos yimaad is-maamulkooda.

Hadaba waxa halkan ka Dhalanaya su,aalo badan oo u baahan in laga jawaabo, kuwaas Oo ay ka midyihiin: Dagaalka Itoobiya ka socdaa muxuu salka ku Hayaa? Ma jiraan Quwado kale oo sii hurinaya  ama ka Danbeeya, Dagaalkani! Hadii uu daba-dheeraado ma isku rogi karaa dagaal sokeeye oo ka dhex-dilaaca qoomiyadaha waaweyn ee Itoobiya wada dega?, waxa kale oo aan diirada Saari doonaa.

Saamayn Intee Le’eg Ayuu ku Yeelan Doona Wadamada Geeska Afrika” Gaar Ahaan Somaliland oo Xuduud Dheer la Wadaagta dalka Itoobiya?

Wadamadda geesku waxay ku midoobeen urur gobolleedka IGAD (Intergovernmental Authority on Developmen). Geesku Wuxuu caan ku yahay colaado hubaysan oo soo noqnoqda, Abaaro, dhaqaale liita, macaluul iyo ku tiirsanaanta deeqaha bani,aadanimo.

Soddonkii sano ee u danbeeyey Itoobiya waxa ay noqotay awoodda milatari ee Geeska Afrika kadib markii ay ka faa’iidaysatay burburkii Soomaaliya iyo dagaaladii Sudan mudadda dheer ka jiray. Geeska Afrika waa meel aad u istaraatiijiya Juquraafi ahaan, waxanu kulaalayaa badda cas iyo marinka (Bab el-Mandeb) oo ah marin aduunyada qiimo wayn u leh.

Tani waa sababta keentay in wadamo badan oo ah quwadaha aduunku ay saldhigyo ka samaystaan Djibouti oo ah dal yar, si ay danahooda dhaqaale iyo maraakiibtooda shixnadaha sida uga ilaashadaan. Djibouti waxay qoobad isugu keentay dawladaha Maraykanka iyo Shiinaha oo  aad u kala fogaa. Madaxweyne Geellana wuxuu ciyaaray siyaasad ah ‘hadii Ay dantaaddu ku jirto cidhiidhso hadii kale adiga lee waaye’! Ma la odhankaraa ‘Ninyohaw labada shillin een is geyin jeeb Isugu Geeyey’. Bal adba.

Awooda miliatari ee Itoobiya, korodhka dadkeeda oo hada lagu Qiyaaso ilaa 110 milyan iyo dhaqaalaha dalka oo sanadihii u Danbeeyey aad u kobcayey, wuxuu tartan adag ka dhex Abuuray dawladaha reer galbeedka iyo dalka Shiinaha oo hadda ah quwadda labaad ee dunida.

Dhinaca kale, labaatankii sano ee u danbeeyey dalka Maraykanka iyo xulafadiisu waxay ku mashquuleen dagaaladda ay kula jiraan waxa ay ugu yeedhaan ururadda argagixisadda ee ka jira bariga dhexe, Afganistan iyo meelo kale. Waxaan iyanna aan meesha ka madhnayn loolankii saliida ee barigga dhexe ka dhacay sanadihii ina dhaafay.

Arintani waxa fursad u noqotay Wadanka Shiinaha oo maalgashi baaxadleh ka sameeyey Wadamadda Afrika oo hadda ah meelaha khayraadku ku Hadhay dunidda. Gaar ahaan Itoobiya oo uu geliyey ballaayiin Dollar oo wax lagagga qabtay xaga dhismaha wadooyin casriya, khayraadka beeraha, macdanta IWM.

Heshiiska dhaqaale ee Shiinaha iyo Itoobiya wuxuu laf-dhuun-Gashay ku noqday dalka Maraykanka oo xidhiidh qoto-dheer la lahaan jiray Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee Maraykanka iyo xulafadiisu waxay u  muuqdaan inay wacad ku mareen in Itoobiya laga  jaro buradda ka soo baxday oo ah dalka Shiinaha, Laakiin lagama fiirsan in qaliinku guul ku dhamaani doono iyo inuu sababi doono burbur aan laga soo kaban karin.

Sidaa datrteed dagaalka Tigreega iyo Itoobiya oo  hadda waji kale yeeshay wuxuu u muuqdaa in  dabada ay ka riixiyaan wadamo shisheeye oo dano kala duwan wata, gaar ahaana reer Galbeedka. Waana dagaal meelo kale laga soo waariday (Proxy war).

Galabtaad is wacateen

Taladana in la galo

Baarliin ku goyseen

Ilaa gooshkan maanta ah

Hadimada i gaadhiyo

Waxaad gaysateen baan

Gocashada xusuustee

Maxaan reer galbeedow

Godob kaa tirsanayaa—  “Tixdii Gabadha Madaw ee Abwaan Hadrwaawi”

Waxa iyanna xusid mudan, in la saadaalin jiray dagaalka ugu  Xun ee Afrika ka dhici doona mustaqbalka inuu noqondoono ka Biyaha Niilka (Water Wars). Wabiga niilka oo ah ka ugu dheer Qaaradda Africa, waxa noloshoodu ku tiirsan tahay wadamo Badan gaar ahaan dalalka carbeed ee Sudan iyo Masar. Hadii Aan taariikhda dib u raacno Masar waxay Soomaalida la lahayd Saaxiibtinimo qoto-dheer, waxayna ka caawin jirtay xaga Qalabka militariga iyo tabobaradda.  Ma ogtahay in dhamaan Dagaaladii Soamaalidu la gashay Itoobiya oo horseeday buburkii Soomaaliya in Masar ka danbaysay si ay Itoobiya uga mashquuliso isticmaalka biyaha Niilka.

Qorigii faro-gooye ee Masar Soomaalida siisay markii xoriyadda la qaatay oo ahaa mid aan tayadiisu fiicnayn waxay Masar u bixisay “Xakiim xayaata Soomaal, wa mowtal Xabash!” si Soomaalida dagaalka loo geliyo oo loo dhiiri geliyo ayey ahayd. Arintaa Masar wadatay muddada dheer ee ay ku difaacaysay saamigeeda biyaha niilka, Soomaalidu ma ay fahmin waxayna sababtay dagaaladdii waaweynaa ee Soomaalida iyo Itoobiya dhexmaray sanaddihii 1964kii iyo 1977kii.

Damacii iyo dadaalkii Masar ee biyaha Niilka waxa cagabad wayn ku noqday dhismaha  biyo-xidheenka wayn ee loo yaqaan (Grand Ethiopian Renaissance Dam) oo hadda dhamaystirmay, Lana buuxinayo markii labaad  wuxuu abuuray xiisad kulul oo u Dhaxaysa Masar iyo Sudan oo dhinac ah iyo Itoobiya. Dadka ka faaloodda colaadaha Itoobiya waxay ku doodaan in Masar iyo Sudan ay si toosa iyo si dadbanba ugu jiraan dagaalka Itoobiya. Waxa kale oo lugta kula jira wadamada khaliishka carabta oo loolan dhaqaale hadda bilaabay. Dalka Ruushka oo Itoobiya ay saaxiib fog ahaan jireen ayaa isaguna hada ciyaarta ku soo Biiray halka Turkigana la hadal hayo.

Isku soo wada duuboo, bilowga dagaalka hadda ka dhex socda Tigreega iyo milatariga Itoobiya waxa dabka sii sudhay Siyaasaddii is-dhexgalka  geeska Africa oo la rabay in wax lagaga bedalo Juquraafi ahaan xuduudaha dalalka Geeska. Midowga cusub ee geeska waxa watay Itoobiya iyo Eritrea oo heshiish Aan la qeexin ku riixay Soomaaliya. Waxana macalin ka ahaa Madaxweynaha Eritrea, Isa,ias Afwerk  oo lagu yaqaan madax Adayg, keli-talisnimo, kana waayo Aragsan labadda nin  ee kale (Abiy iyo Farmaajo). Heshiiskani wuxuu ahaa mid aanay guntiisu muuqan, ujeedooyin qarsoona laga lahaa. Waxa ugu horeeya Ee la is waydiin karaana waa su,aasha ah  “Maxaa Djibouti looga reebay. Mase laga yaabaa in madaxweyne Geelle oo ah siyaasi rug-caddaaya bilawgiiba lagu qancin kari waayey qorshaha cusub.

Dhirbaaxadii ugu horeysay waxay ku dhacday Tigreega ka dib Markii ay ka horyimaadeen siyaasadda cusub ee Geeska lagu hagi doonno. Waxa aad macquul u ah in meelo kalena ku xiggi lahaayeen haddii Tigreega si fuddud looga adkaan lahaa. Aloore Maxaa kuu baxay!!!.

Waxa iyanna xusid mudan, in labadan arimood ay qayb ka yihiin  colaadda Itoobiya tan koowaad  ee odhanaysa: Itoobiya ma waxa ku haboon dawlad dhexe oo awoodleh mise nidaamka hadda jira ee fedaraalka. Aragtidan oo siyaasiyiinta iyo is-maamul goboleeyadu ku kala duwan yihiin. Waxa kale oo colaadda sii hurinaya khilaafka xudduuddaha dhulka iyo kan siyaasadeed ee u dhexeeya qoomiyadaha kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee marka aad eegto khilaafyada hubaysan oo usii xuub-siibanaya dagaalo sokeeya, waxa soo baxaya Ifafaalo muujinaya in Itoobiya ay cagta saartayy jidkii burburka Ee Soomaaliya. Arinkani waxa uu saamayn taban ku yeelan doonaa deganaanshaha, ammaanka iyo dhaqaalaha Geeska, isla markaana sababi doona barakac iyo mawjado qaxooti ah oo u yaaca wadamadda jaarka la ah Itoobiya oo Somaliland ugu horeyso. Haddaba muhiimada qoraalkeenani wuxuu daaran yahay, waa maxay saamaynta uu qalalaasaha dagaal ee Itoobiya ku yeelan karo Somaliland?

Somaliland waxay ku taalaa mandaqad aad iyo aad muhiim u ah Juquraafi ahaan marka laga eego xaga badda iyo berigaba, waxa Aynu leenahay xeeb dhererkeedu yahay 856 miles oo marin u ah maraakiibta ganacsiga ee u kula gooshaya bariga iyo Galbeedka dunida. Waxa kale oo aan la  leenahay Itoobiya xad-dheer oo lagu qiyaaso 463 miles kaasoo intiisa badan ku yaal Dhul bannaan oo si fufud looga soo gudbi karo, marka laga Reebo Gobolka Awdal oo xadkiisu yahay  buuralay.

Haddii dagaalka Itoobiya sii dabo-dheeraado, Somaliland waxay waajihi doontaa mawjado qaxooti ah oo kasoo gudba xudduudka dheer.  Su’aashu waa Somaliland ma qaadi kartaa culayska malaayiin qaxooti ah.

Waxa intaa dheer, haddii xoogaga Tigreegu ku guulaystaan inay kala jaraan jiddadka gaadiidka iyo tareenadda ee isku xidha Djibouti iyo Itoobiya oo ah dhuunta ay wax u soo maraan (Supply chain).  Itoobiya waxa ku dhici doona burbur dhaqaale, maciishada oo qaaliyowda, macaluul iyo boob ka bilaama degaanadda kala duwan.

Arinta Somalilland muhiimka u noqon kartaa waa isticmaalka dekadaha oo laga yaabo in ay aad u korodho culays badana fuulo taasoo u baahan in laga sii diyaargaroobo.

Waxa suurtogal ah in xuduuddaha ay ka soo gudbaan budhcada/tuugada, hubka fudud, mukhaadaraadka iyo kootarbaanka. Waxa saamayn wayni ku iman kartaa isku socodka badeecadaha, arinkan oo saamayn ku yeelandoonna cashuuraha dawladda uga soo xeroodda qaadka, khudrada, xoolaha nool iyo dhamaan ganacsiyada kale.  Sidoo kael, waxa meesha ka bixidoonna badeecadaha aan Itoobiya ka helo.

Sidee haddaba looga gaashaaman karaa isbedelka kusoo foolka leh Geeska, waxan soo jeedin lahaa in dawladda iyo xisbiyadda mucaaridku u midoobaan masiirka dalka, kana wada shaqeeyaan sidii loo maareyn lahaa  xaalad kasta oo ka dhalata colaadaha Itoobiya. Waxa haboon in dawladu wada tashi iyo dood-wadaag la yeelato aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, khubaradii hore ee ciidamadda iyo bulshada rayidka ah si looga dooda Saamaynta colaadaha iyo duufaanadda siyaasadeed ee Geeska.

Waa in Somaliland dhexdhexaad ka noqotaa dhinacyada dagaalamaya. Waa in wada tashi Iyo wada shaqayn dhaw lala yeesho dawladda is-maamulka degaanka Soomaalida Itoobiya Oo ah kuwa aan isugu xigno isla markaana laga yaabo in si isku mida inoo saameeyo.

Waa in la kordhiyaa tabobaradda dhalinyaradda iyo wixii qori qaadi kara ee buslshada Somaliland si loo helo kayd ciidan, bilowga shaqo-qaran ee dawladdu hindistay waa fikir aad u fiican oo dalka lagu difaaci karo, waana in la sii wadaa. Maamulka amaanka badda iyo shaqadda dekaddaha Somaliland waa in kor loo qaadaa si culayskasta u qaadi karaan.

Guntii iyo gebagebadii waa in la abuuraa ciidan u gaara ilaalada xudduudaha dalka, lana wacyi-geliyaa dadweynaha sidii ay dalkooda u ilaashan lahaayeen (community policing). Waxa Soomalidu tidhaa ‘ buur ahaw ama buur ku tiirsanow’ waxaynu u baahanahay wadamo waaweyn oo aan iska kaashano xaga amniga iyo siyaasadda.

Aqoonyahan Abiib Axmed Xirsi.

Hargeysa, Somaliland

abhersi@yahoo.com

LEAVE A REPLY