Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Magaalada Boorama

0
5150

Boorama (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay iska hor-imaad sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Iska hor-imaadkan oo ka dhacay duleedka magaalada Boorama ayaa waxaa uu dhexmaray Ciidamada Booliska iyo dad shacab ah.

Waxaa iska hor-imaadkan ku dhintay Hal Askari halka Afar Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Laba Askari ayaa ku jira dadka dhaawaca sida maamulka gobolku sheegay.

Afarta qof ee dhaawaca ah ayaa la dhigay Cisbitaalka Boorama.

Arintan ayaa waxa ay ka dhalatay kadib Muranka dhul ah oo ay isku haysteen dawladda iyo dad shacab ah oo ku yaalla Beriga magaalada Boorama.

Wixii warara ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa…..

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY