Dagaal Culus oo U Dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta oo Ka Socda Magaalada Garba Ciise

0
1676

Garba Ciise (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya magaalada Garba Ciise, ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal aad u xoogan oo u dheexeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Wararka, ayaa intaa ku daraya in dagaalkan uu u dhexeeya Xoolo Dhaqatada Soomaalida ah iyo Maleeshiyaad ka soo jeedo deegaanka Canfarta.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Magaalada Garba Ciise, ayaa waxaa ay dhacdaa jidka isku xidha Itoobiya iyo Jabuuti.

Shalay ayay ahayd markii Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay sheegtay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggaanka aagga Garba Ciise iyo deegaannada ku xeeran.

Geesta kale, Sabtidii la soo dhaafay ayay sidan oo kale uu dagaal uga qarxay magaaladaasi, iyada oo ay ku dhinteen Soomaali badan kaddib markii ay halkaasi weerrar kula wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka deegaanka Canfarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here