Dagaal Culus oo U Dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta oo Ka Socda Gobolka Siti

0
2395

Siti (Hargeisa Press) – Dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa ka socda Gobolka Siti  ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaana laga soo sheegayaa khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Ugu yaraan 10 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan odayaal caanka ah deegaanka Soomaalida, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dagaalka ay Canfarta ku soo qaaday dhulka Soomaalida.

Dagaalka ugu culus ayaa ka socda tuulada Garba-Ciise iyo agagaarkeeda, waxaana wararku sheegayaan in magaaladaas la hareeyay oo ay Canfartu go’doomiyeen, iyagoo jaray waddooyinkii Soomaalida isaga xidhnayd.

Ciidamada milatariga Ethiopia ayaa ku sugan magaalada Garba-Ciise, wuxuuna ilaalo ka yahay dadka shacabka ah, isagoo ka hortagaya in magaalada loogu soo galo oo kadibna xasuuq loo geysto.

Balse, waxaa milatariga lagu dhaliilay in ayna kala dhex galin dhinacyada ku dagaalamaya magaalada hareeraheeda iyo meelaha kale ee Canfartu ku laynayso dadka shacabka ah.

Weli macluumaad ah rasmi ah lagama hayo khasaaraha dagaalka dhexamaraya ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida iyo kuwa canfarta, walow ay jirto dhimasho badan oo labada dhinac ah.

Boqolaal qoys ayaa ka barakacay colaada ka socota gobolka Siti, iyadoo ku soo beegantay xilli abaar culus laga soo sheegayo dhulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here