Dagaal Culus oo Ka Socda Xudduuda Turkiga iyo Suuriya

0
720

Ras al-Ain (Hargeisa Press)- Dagaal culus ayaa ka socda magaalada ku taalla xuduuda Suuriya iyo Turkiga ee Ras al-Ain xilli ciidamada Turkiga ay howlgalo militari ka wadaan waqooyi bari Suuriya.

Militariga Turkiga ayaa waxay sheegeen in ay la wareegeen magaaladaasi, balse xoogaga Kurdiyiinta ayaa arrintaasi beeniyay.

Xukuumadda Turkiga ayaa waxaa sidoo kale ay beenisay in ciidamadeeda ay bartilmameedsadeen ciidamada Mareykanka ka dib markii wasaarada Gaashaanhiga Mareykanka ay sheegtay in ciidamadooda la soo weeraray.

Ugu yaraan 30 qof oo rayid ah ayaa la sheegayaa in la dilay islamarkana in ka badan 200,000 oo qof ay qaxeen afartii maalmood ee uu dagaaka socday.

Go’aankii madaxwayne Donald Trump ee uu ciidamadiisa kaga soo saaray Suuriya ayaa waxa uu horseeday in Turkiga ay qaadaan tallaabo militari.

Xooggaga Kurdiyiinta ah ee YPG ayaa ka samaystay bariga webiga Furaat ee waqooyiga Suuriya dhul maamulkiisa ay u madax bannaan yihiin.

Dowrka muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalkii lagaga adkaaday ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa u sahlay dagaalyahannada YPG inay kasoo tallaabaan webiga ayna la wareegaan dhul ka tirsan Suuriya.

Xukuumadda Turkiga ayaa u aragta kooxda YPG in ay yihiin koox argagixiso ah.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY