Dadweynaha Reer Boorame ee Gobolka Awdal Oo Murashaxnimada Saylici Ee Marka Labaad Siweyn U Taageeray

0
1350
Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici

Boorame, (HargeisaPress) — Qeybo badan oo kamid ah dadweynaha kunool Gudaha Maglaada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa,wakhti xaadirkan arimo badan oo xasaasi ah iyo duruufo soo waajahay Siyaasada Xisbiyada Mucaaridka ah ku taageeray Murashaxniada Jagada Madaxweyne Kuxigeen ee Xisbiga Kulmiye Madaxweyne Kuxigeenkii hore Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),oo ay ku taageereen qodobo dhawr ah

Murashaxnimada jagada Madaxweyne Kuxigeen ee Xisbi Xaakimka Kulmiye ayay dadweynaha Reer Awdal intooda badani u arkaan in ay Madaxweyne Kuxigeenkii hore Cabdiraxmaan Saylici fursad dahabi ah u tahey maadaama laga waayay dhaqdhaqaaqyadii la filayay Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Wadani oo tan iyo intii ka dambeysay Doorashadiisii aan wali dadka Reer Awdal ku arkin wax talaabo ah oo loogu hiran karo madaxnimadiisa bari maadaama uu baardareeyay doorkiisii Mucaaridnimo oo wali hagoogan iyo firfircoonidii shakhsiyeed ee dhinacyada Siyaasada iyo dhaqdhaqaajinta taageerayaashiisa oo aan wali laga dareemin dhinaciisa waxaanay arintani u muuqaneysaa in fursadahaasi dhami noqdeen kuwa uu ka faa,ideystey Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici oo markii uu Mucaaridka ahaa Kulmiye iyo taageerayaashiisaba kaalin firfircoon ku lahaa.

Qodobada sababey in dadweynaha Reer Boorame si culus u taageeraan Cabdiraxmaan-Saylici waxa kamid ah in maalmihii u dambeeyay laga waayey wax hadal ah Murashaxa jagada Madaxweyne Kuxigeen ee Xisbiga Wadani kadib markii Boorame lagu taxaabay qaar kamid ah Xildhibaanada taageersan iyo Gudoomiyaha Wadani ee Gobolka labadaba taas,oo banaanka usoo saartey in aaney habayaraatee u muuqanin beylahda utaala sidaa daraadeedna aan lagu haleyn Karin xilka uu manta u socdo oo Saylici ku dhaamo maadaama uu waayo aragnimo ku qaatey mudadii uu hada joogay Madaxtooyada ee todoba sano iyo dheeraad dadka Reer Awdal aaney kawada maqnaanin.

Cabdiraxmaan Nuux Hiiraan

LEAVE A REPLY