Dadweynaha Berbera Oo Cabasho Ka Muujiyay Shaqaale Ajaaniba Oo Cidhiidhi Ku Yaha

0
627

Berbera (Hargeisa Press.com): Cuqaal, madax dhaqameed,  garadka iyo odayaasha gobolka Saaxil ayaa cabasho ka muujiyay shaqaalaha ajaanibka ah ee ka hawl gala dhismaha madaarka diyaaradaha Berbera iyo  dekadda Berbera.

Waxaanay ku doodeen in shaqooyin ay qaban karaan dadka muwaadiniinta ah ka qabtaan dhismaha madaarka iyo dekadda Berbera, taasoo sida ay sheegeen ka hor imanaysa xeerka shaqaalaha Somaliland.

Madax dhaqameedkan iyo odayaashaasi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Berbera ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland in uu arrintaas wax ka qabto.

Iyagoona xusay in shaqooyin hoose ay qabanayaan dad laga keenay dalalka Pakistan, Bangladesh iyo Hindiya.

Waxaanay tilmaameen in shaqaalahan ajaanibka ah ay cidhiidhi xoog leh ku hayaan dadka degaanka iyo kuwa muwaadiniinta ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Madax Dhaqameedkaasi Oo Arrimahan Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY