“Dadka Reer Somaliland Waa Dad Xor Ah Oo Xaq U Leh Madax-Banaanidooda, Diwaangelintana Waxaa Lagu Sugi Doonaa Dadka Muwaadiniinta Ah Ee Dalkan Iska Leh” Wasiir Xirsi

0
897

Waxaan Ku Kalsoonahay In Dadkaygu Si Wacan U Kala Garanayaan Cadawga Iyo Nasteexa Oo Aan Mar Danbe La Dagi-Doonin, Xamar-na halka kama taliso Xasan Sheekh-na waxba laga waydiin maayo diwaangelinta medeniga ah ee Somaliland

Diwaangelintii Medeniga ahayd (National ID Registration System) si fiican ayay u billaabantay, way soconaysaa waanay guulaysanaysaa Insha Allaahu waxaan dadka reer Somaliland ugu baaqayaa in ay is diwaangeliyaan oo dhamaanteen aynu is barbar-taagno wassaaradda Arimaha Gudaha iyo farsamo yaqaanada ku hawlan hirgelinta arintan.

Dadka reer Somaliland waa dad xor ah oo xaq u leh madax-banaanidooda, waxaa diwaangelintana lagu sugi doonaa dadka muwaadiniinta ah ee dalkan iska leh, Xamar halka kama taliso Xasan Sheekh-na waxba laga waydiin maayo diwaangelinta medeniga ah ee Somaliland. Odhaahda Xasan Sheekh ee sheegashada Gobolada dalkani waa hadal meel-waayay oo ismoodsiis ah.

Dawlada Xamar waxay cadaysatay Cadaawada ay u qabto Somaliland iyo dadkeeda, lana yaabi-maayo oo waa ku shalay “Nin ku dilay hadh kuuma jiido” waxaanan ku kalsoonahay in dadkaygu si wacan u kala garanayaan cadawga iyo nasteexa oo aan mar danbe la dagi-doonin.

Reer Somaliland waxaan leeyahay Diwaangelinta inagaa leh, dawlada iyo dadkeeda ayaa wadaya kana talinaya, waxaana loo qorsheeyey in la diwaan geliyo dhamaan wixii ka wayn 15 jir ee muwaadin ah, mudo 3/4 Bilood ahna waxaa lagusoo gebagebayn doonaa ollolaha diwaangelinta medeniga ah. Halkaana kuma joogsanayso waxay socondoontaa weligeed oo wixii dhashana waa lagu daridoonaa wixii dhintana waa laga saari-doonaa waxaana maamuli doona Maamulada Dawladaha hoose ee dalka.

Ka dib marka ay dhaqan-gasho diwaangelinta medeniga ahi waxaa la diwaangelin doonaa dadka aan dalka u dhalan ee u jooga nidaam u gaar ah.

Dadka reer Somaliland waxay u sahli doontaa diwaangelintu adeegyada Assaasiga ah ee Kor-u- Nabadgelyada, Goobaha Waxbarashada, Socdaalka, Goobaha Caafimaadka, Goobaha Shaqada iwm. waxaan leeyahay muwaadiniinta ka faa’iidaysta inta ay bilaashka tahay ee ay sahlan tahay.

Diwaangelinta Medeniga ah waa talaabada u dambaysa ee aynu ku xaqiijinayno Qarankeena Qaan-gaadhka ah.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here