Dad Ku Dhintay Shil Baabuur oo Ka Dhacay Jigjiga

0
836

Jigjiga (Hargeisa Press): Laba qof ayaa ku geeriyooday laba kale-na way ku dhaawacmeen kadib markii uu maanta magaaladda Jig-jiga baabuur Qaad siday jiidhay xero ay ku jireen dad qoxoonti ah.

Dadkaasi qoxoontiga ah ayaa la sheegay in ay ahaayeen dadkii ka soo barakacay rebshadihii sanadkii hore dhexmaray qawmiyadda Oromadda iyo Soomaalida.

Afarta qof ee baabuurku jiidhay ayaa kuligood wada dumar ah, kuwaasoo laba ka mid ah ay dhinteen halka  laba kale-na ay dhaawacmeen.

Iyadoo dadka dhaacawa ah  lagu daawaynayo cusbitaalka magaaladda Jig-jiga, sida uu sheegay Dr. C/laahi Xuseen, oo ah agaasimaha guud ee cusbitaalka magaaladda Jig-jiga.

Waxaanu sheegay in markii cusbitaalka la soo gaadhsiiyay dadkaasi lab aka mida ay dhaawac ahaayeen, hlaka labadda kale-na ay dhinteen.

“Way jiraan dad uu maanta gaadhi ku jiidhay Qoloji. Afar qof ayay ahaayeen. Laba iyagoo Mayd ah ayaa cusbitaalka la keenay. Laba-na cusbitaalka ayay yaalaan.

Midkood waa gabahd sideed jir ah, oo dhaawacu ka soo gaadhay madaxa iyo Lugta midigta oo jaban. Gabadhaas xaaladeedu way culus tahay” ayuu yidhi Dr. C/laahi Xuseen, oo la hadlay BBC.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Qofka labaad waa hooyo afar caruura dhashay, oo iyada xaaladeedu ay sahlan tahay.

Dhaawaceeda shafka waxbaa ka soo gaadhay, qaybta madaxa-na waxbaa ka soo gaadhay. Laakiin, xaaladeedu uma cusla sida gabadha kale”

Geesta kale Dr. C/laahi, waxa uu tilmaamay in labadda qof ee dhaawaca ah dhamaanba wixii adeeg caafimaad ah ee ay u baahnaayeen in loo qabtay, isla markaana dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyeyaasha caafimaadku ay si dhaw ula socdaan xaaladoodda.

Waxaanu yidhi “Markii la keenay cusbitaalka, wixii loo qaban karayay waa loo sameeyay. Xaaladooda-na si dhaw oo taxader leh ayaa loola socdaa”.

Dhinaca kale dhacdadan la xidhiidha shilka uu gaystay gaadhigan Qaadka siday ayaa imanaysa kadib markii shalay baabuur Qaad siday iyo mid kaloo dad rakaaba siday ay isku galeen jidka u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Sheekh.

Waxaana shilkaasi shalay ku geeriyooday 11 ruux halka ilaa 14 qof oo kale-na ay ku dhaawacmeen.

 

Hargeisa Press Desk/Jigjiga Office.

LEAVE A REPLY