Dacwaddii Ka Dhanka Aheyd Faysal Cali Waraabe oo Loo Gudbiyey Xeer Ilaalinta

0
1842

Hargeisa (Hargeisa Press)- Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta dacwad loo heysto guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Eng: Faysal Cali Waraabe u gudbiyey xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Dacwadda oo ah mid culus ayaa timid, kadib makii shalay guddiga joogta ah ee golaha Wakiilada Somaliland ay kalsoonidii kala noqdeen guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Cabdraxmaan Mowliid oo ka mid ah Garyaqaanada dhanka sharci ee golaha Wakiiladda Somaliland oo goor dhow warbaahinta kula hadley gudaha magaalada Hargeysa ayaa shaaciyey in dacwaddaasi ay u gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta, islamarkaana ay rajeynayaan in la dhageysan doono maalmaha soo socdo.

Eedeymaha waa weyn ee loo jeediyey ayaa waxaa ka mid ah inuu jebiyay Dastuurka Somaliland, isla markaana uu halis ku yahay nabadda iyo midnimada Somaliland.

Sidoo kale, waxaa loo heystaa inuu abuuray kicin dadweyne iyo iska horkeenida bulshada Somaliland.

Dhankiisa Faysal Cali Waraabe ayaa shalay eedeymahaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan, isagoona ku dooday inaanu jabin qodob Dastuuri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here