Dacwada Xukuumada Somaliland U Haysato Mulkiilaha Astaan Tv oo Weji Kale Yeelatay iyo Taliyeyaasha Sirdoonka, Booliska, Xeer Ilaalinta iyo Maxkamada oo Isku Khilaafsan

0
6384

Hargeisa (Hargeisa Press)- Dacwadii ay xukuumadda Somaliland u haysatay mulkiilaha Astaan Tv ayaa waxaa uu yeeshay waji kale oo aan laga filayn, kadib markii ay kiiskiisa isku khilaafeen Taliyeyaasha Ciidamada Sirdoonka, Booliska, Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Degmada Hargeysa.

Xeer ilaalinta qaranka Somaliland ayaa Khamiistii waxaa ay Maxkamada degmada Hargeysa u gudbisay dacwada loo haysto Mulkiilaha Astaan Tv Cabdimanaan Yuusuf, si ay dacwadiisa u qaado.

Taliyaha Sirdoonka iyo ka Booliiska Somaliland ayaa xarunta xeer ilaalinta tagay kaddib markii ay ogaadeen in dacwadii Cabdimanaan laga gudbiyay aanay ahayn tii markii hore ay kusoo xidheen.

Taliyayaasha ayaa xeer ilaalinta ku wargeliyay in eeda ay gudbiyeen aanay ahayn midii ay madaxweynaha u sheegeen taasna ay ceeb kala kulmayaan haddii dacwada lagu qaado maxkamada degmada.

Xeer ilaalinta ayaana waxay ay dib ula noqotay eedii ay u gudbisay maxkamada degmada.

Taliyaha ciidamada sirdoonka ayaa sheegay in saddex markhaati uu hayo, isagoo sheegay in uu Markhaatigu ku dhaaranayo in Cabdimanaan Yuusuf ka tirsanyahay sirdoonka Soomaaliya ee NISA sida uu ku dooday taliyuhu.

Xeer ilaalintu waxay codsatay inaanay dhaar taagneyn ee sirdoonka iyo Booliiska Somaliland looga baahanyahay cadeyn rasmi ah si eeda loogu oogo Cabdimanaan Yuusuf.

Eedii hore ee ay soo gudbiyeen Sirdoonka iyo Booliiska Somaliland dib ayay ula noqdeen.

Todoba maalmood oo rumaan ah ayay dib u codsadeen labada taliye iyagoo faragalinaya dacwadii laga garnaqi lahaa ee maxkamada loo gudbiyay.

Dacwada ay maxkamada degmada u gudbiyeena waxay ahayd in ASTAAN TV aanu ruqsad haysan, sidoo kalena khaladaad ay ku jiraan ruqsadiisa.

Muddo laba sano iyo badh ah oo ASTAAN TV shaqeynaysay 35000$ ayaa wasaaradaha Ganacsiga iyo Boosaha iyo Isgaadhsiintu ka qaadayeen sanadkii.

Sikastaba ha ahaatee mulkiilaha Astaan tv Cabdimanaan Yuusuf oo mudo 29 cisho ah xabsiga ku xidha ayaa ilaa iyo hada aanay maxkamadi xukumin, iyadoo ay Taliyeyaasha Sirdoonka, Boosliska, Xeer ilaalinta, iyo Maxkamada degmadu isku khilaafsan yihiin dacwada lagu soo oogay.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here