Dacwada Badda ee Kenya iyo Somalia Xukunka Maxkamadda ka dib

0
1247

Waxa suurtogal ah in Maxkamadu ugu qaybiso si isle’eg xuduudka badda ee ay 2da dal Ku muransan yihiin, taasi oo sahlidoonta In 2dalba ka wada faaiidaystaan khayraadka Ku duugan aagaasi.

Balse haddii ay Maxkamaddu u xukunto Soomaaliya, waxa markiiba khilaaf dhinaca xuduudaha badda ahi ka furmayaa Kenya 🇰🇪 iyo Tanzania 🇹🇿, Madagascar 🇲🇬 iyo Tanzania 🇹🇿, Mozambique 🇲🇿 iyo South Africa 🇿🇦dalalkaasi oo dhamaantood wadaaga xuduud dhinaca badda ah sidoo kale waxa iyaguna khilaaf u dhexeeya wadamada Tanzania 🇹🇿 iyo Malawi 🇲🇼 oo Ku saabsan xuduud dhinaca harooyinka (Lake).

Sidaasi daraadeed, waxan shaki Ku jirin haddii Maxkamaddu u xukunto Somalia 🇸🇴 oo xuduudka u dhexeeya 2da dal noqdo mid raaca jihada uu u socdo xariiqa xuduudka dhulka ee Soonaaliya taasi waxay sababaysaa In ay Somalia 🇸🇴 lahaato Biyaha bada oo aad ugu dhaw Dekeda Mombasa. Waxanay taasi khasab kaga dhigi doontaa In ay Kenya 🇰🇪 qaado talaabo Ciidan oo ay Ku difaacayso xuduudaheeda iyadoo u arki doonta xukunka Maxkamada mid baadil ah.

Awooda ciidan ee labada dal iskuma dhiganto awoodooda dhaqaalana waa sidoo kale, markaa Somalia 🇸🇴 waxa hubaal ah In ay Madaxa la galayso Dagaal kale oo aan dhamaad lahayn oo Kenya ay lagasho Dagaalkaasi oo aan Ku ekaan doonin dhinaca badda oo kali ah laakiin u gudbi doona dhinaca bariga iyadoo ay Ciidamada Kenya 🇰🇪 haatanba gacanta Ku hayaan gobolada muhiimka ah ee koonfurta Somalia 🇸🇴 oo loo yaqaan Jubooyinka.

Waxa kale oo Dagaalku u gudbi doonaan dhinaca dublamaasiyada kaasi oo mar horeba bilaabmay kadib markii Wasiirka Arimaha Dibadeedka Kenya 🇰🇪Marwo Monica Juma ay kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Somaliland iska Markaana Twitter ka Wasaarada Arimaha Dibada Kenya 🇰🇪 ay Ku soo daabaceen In labada wasiir ka wada hadleen xoojinta xiriirka labadooda dal. Tweet kaasi oo Xukuumada Farmaajo si wayn uga carootay kuna sheegtay mid khatar Ku ah Midnimada iyo wadajirka dhul ahaaneed iyo madaxbanaanida Somalia 🇸🇴, markiiba Kenya 🇰🇪 ayaa Ku jawaabtay “In ay la macaamilayaan CID kasta oo dano kaga xidhanto”, Marwo Monica Juma waxay intaa raacisay in Kenya ay xiriir la lahayd oo xafiis dublamaasiyadeed Ku lahayd koonfurta Suudaan ka hor intii aanay dal noqon.

Dadka u dhuun daloola gadgadoonka siyaasada Juquraafiyadeed iyo Dhaqaale Geopolitics ka Geeska iyo Bariga Afrika ayaa sheega marka ay odorosayaan khilaafka badda ee u dhexeeya Somalia 🇸🇴 iyo Kenya 🇰🇪marka lagu daro isbedelada waawayn ee dhinacyada Dhaqan Dhaqaale iyo Juquraafi ee ka socda mandaqada Geeska Afrika ayaa waxay Tibaaxayaan In Soomaaliya Xukun Maxkamadeed iyo la’aantii ay tahay dalka isagu luminaya (The Loser) xuduudka Badda ay Ku doodayso, sidoo kalena Idhinaca Waqooyi ee Somalia 🇸🇴 uu ka dhalanayo dal cusub oo Somaliland la yidhaa.

Si Kastaba ha Ku dhamaadaan isbedelada ka socda Geeska Africa e waxa khubarada siyaasadu hoosta ka xariiqayaan In ay suurtogal tahay Somalia  In ay ka tanaasusho sheegashads xuduudka badda ee ay la wadaagto Kenya haddii Dawlada Itaalka Daran ee Somalia u aragto Kenya In ay dabada ka riixayso Somaliland In ay aqoonsi buuxda ka hesho Midowga Africa.

By: Suleiman Bolaleh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here