Hargeysa,(HargeisaPress) —Koox Dablay ah oo hubaysan, isla markaana aan la aqoonsan cid ay yahiin, ayaa xalay weerar ku qaaday guriga Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige.
Dableydii weerarka soo qaadey ayaa waxaa ay rasaas la dhaceen albaabada iyo gidaarada aqalkaasi waxaana iska caabin kala hor yimid ilaalada wasiirka , wax khasaare ahina kamuu dhalan
Wasiirul dawlaha amniga ee wasaarada arrimaha guddaha Maxamed Muuse Diiriye oo falkan ka hadlay, waxaa uu sheegay in baadhis la wado, islamarkaana dad arrintaasi loo tuhmay la xidhay.
HALKAN HOOSE KA DAAWO.
HargeisaPress News Desk —Hargeysa