Daawoo Muuqaal: Madaxweyne-ku-xigeenka oo Furay Hool Casri ah oo Huteelka Summer Time ka Hirgeliey Hargeysa +SAWIRRO

0
1149

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhigga ka jaray dhise hool casri ah oo loo sameeyey nidaamka caalamiga ah, kaas oo huteelka Summer Time ka hirgeliyey caasimadda Hargeysa.

 

Daawo Muuqaalka Hoose

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhigga ka jaray dhise hool casri ah oo loo sameeyey nidaamka caalamiga ah, kaas oo huteelka Summer Time ka hirgeliyey caasimadda Hargeysa. Dhismahan oo ka kooban hool si aad u qurux badan loo sameeyey, una qalabaysan qaababka caalamiga oo ay weheliyaan qolal adeegyadiisa lagu qabanayo oo loogu talogalay in lagu qabto shirarka kala duwan, aroosyada iyo guud ahaan xafladaha bulshada oo magaciisa loo bixiyey GREEN PLAZA, kaas oo laga hirgeliyey dacalka galbeed ee magaalada Hargeysa, waxa muddo dhawr sanno ah oo dhismihiisu socday ku baxday lacag saddex boqol iyo kontan kun oo dollarka Maraykanka ah.

20141215_201351-1024x576

Xaflad si heersare ah loo agaasimay oo loo sameeyey furitaanka dhismahan casriga ah oo lagu qabtay isla hoolkaasi xalay, kana qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirrada Madaxtooyada iyo Hawlaha Guud iyo Guriyeynta – Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed, wasiir-ku-xigeennada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada – Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir iyo Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, xildhibaanno golayaasha qaranka ka tirsan, agaasimayaal iyo masuuliyiin kale oo hay’adaha dawladda ka tirsan, ganacsato kala duwan iyo marti sharaf tiradoodu ku dhawdayd kun qof oo isugu jiray macaamiisha huteelka Summer Time iyo dadweyne kale, waxa hadallo laga jeediyey si wayn loogu soo dhaweeyey dhismahan cusub oo hambalyo iyo bogaadin ballaadhan loogu jeediyey mulkiilaha huteelka Summer Time Sheekh Siciid Sh. Cumar oo ah nin dhallinyaro ah oo horumar wayn ka sameeyey ganacsiga.

20141215_200031-1024x576

Mulkiilaha huteelka Summer Time Sheekh Siciid Sh. Cumar Yuusuf oo furitaankii xafladda, ayaa sharraxaad ka bixiyey hoolka Green Plaza oo uu sheegay in cabbirkiisu ka kooban yahay 40mitir oo dherer ah iyo 17mitir ballac ah, qiyaas ahaana tirada uu qaadayaa tahay kun iyo shan boqol oo qof.

20141215_211826-1024x576

Dhismaha hoolkan waxa nagu keliftay baahi jirtay awgeed kadib markii hoolka qaybta huteelka Summer Time nagu yaraaday, iyadoo mar walba macaamiishayadu na waydiinayeen hool wayn. Waxa kale oo jidka ku soo jira huteel fooq casri ah oo mustaqbalka dhaw dhammaan doona oo ka kooban ilaa dhawr iyo siddeetan qol hurdo, hool kan la mid ah iyo berkadda dabbaasha (swimming pool),” ayuu yidhi Siciid Sheekh Cumar.

Mulkiilaha huteelka Summer Time Sheekh Siciid Sh. Cumar Yuusuf
Mulkiilaha huteelka Summer Time Sheekh Siciid Sh. Cumar Yuusuf

Waxa kale oo uu ka sheekeeyey sida uu ku soo bilaabay ganacsigan oo ahayd meel aad u hoosaysa, waxaannu yidhi, “Ganacsigan waxaan aasaasay sannadkii 2003-dii, anigoo ka bilaabay meel goob telefoonnada laga dirto (Sub-station), Alxamdullilaah laakiin maanta way socotay, waxaannad iigu soo ducaysaan in dhismaha fooquna dhammaado.

Summer-Time-5

20141215_212424-1024x576

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here