Daawo: Warbixinta Documentry ah Oo Laga Diyaariyay 18-kii May Ee Sanadkan

0
574

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xuskii 28aad ee gooni isu-taaga jamhuuriyadda Somaliland oo guud ahaanba dalka si weyn looga xusay todobaadkii hore ayaa lagu tilmaamay in ay ahayd munaasibadii ugu balaadhnayd ee lagu xuso 18-ka May.

Waxaana xuskaasi loo arkaa in uu noqonayo mid meel sare ka gelaya taariikhda lagu xuso maalinta qaranimadda Somaliland oo sanad walba laga xuso dalka iyo wadamo badan oo dibadda ah oo ay ku nool yihiin jaaliyadaha reer Somaliland.

Munaasibadasn ayaa laga diyaariyay muuqaalo iyo sawirro si weyn u soo jiitay bulshadda, iyadoo xuska sanadkan lagu qabtay goob fagaare ah oo si aadda loo qurxiyay, taasoo qiimo weyn u yeeshay munaasibadda.

Hadaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa muuqaal aad u dheer oo laga diyaariyay munaasibadaasi iyo sawirro kala duwan oo aad u qurux badan oo laga soo ururiyay sidii xafladaasi uga qabsoontay magaaladda Hargaysa, goboladda dalka iyo wadamadda dibadda.

Sidoo kale waxaa muuqaaladan ku jira warar iyo warbixino ay xuskaasi ka diyaariyeen warbaahinta caalamka ka socday ee xafladda ka qayb galay.

Halkan hoose Ka Daawo Warbixinta  Documentry ah oo 18-kii May Ee Sanadkan Laga Diyaariyay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY