Somaliland: Xildhibaan Sharci Darro Ku Tilmaamay Madasha Wadatashiga

0
533

Hargaysa (HP): Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan, oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in aanay jirin wax Shrciya oo ay ku dhisan yihiin ama aanay ku jiriin Siyaasiyiinta ku bahoobay magaca Madasha wadatashiga.

Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan, oo warbaahinta kula  hadlay Hargaysa, waxa uu sheegay in duruufo keeneen muddo kordhintii labada sanno ahayd ee Golaha Guurtida u sameeyay Golaha Wakiilada.

Waxaanu tilmaamay in aanu burburi Karin Golaha Wakiilada oo ah hay’ad qaranka ka mid ah.

Waxaanu yidhi,  “Waxa ay iskugu tageen ee ay Sheeganayaan Siyaasiyiinta Madasha Wadashiga la garan maayo oo aan ahayn anaaniyad waxa doorashooyinka dib u dhigay waa Xaalad Siyaasiya.

Markaa haddii ay timid Xaaladii Siyaasiga ahayd oo ay Taagantahay oo Hay’ada Qaranka ka mid ahi in ay burburto aafo ka wayni ma jirto, markaa taas ayaa keentay in muddo kordhin loo sameeyo Golaha Wakiilada”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in Qaranka Somaliland uu ka jiro Saddex dhardhaaar.

“Markaa Dawladda Somaliland waxa ay ku jirtaa saddexdaa Dhardhaar ee Qaranka markaa waax ka mida Qaranku ma buburi karto, taas ayaa keentay in muddo kordhin uu Golaha Guurtidu u sameeyo Golaha Wakiillada Somaliland.

Sidii Dhaqankeenu ahaa waa in Xisbiga cabanayaa Kalsooni siiyo Golaha Guurtida oo markaad arrin galayso waa in labada dhinacba Kalsooni ku siiyaan oo yidhaahdaan waanu ogol nahay wixii aad soo saartaan”ayuu yidhi xildhibaan Maxamed.

 

Hargeisa Press.com/Hagaysa Office.

 

LEAVE A REPLY