Daawo: Warbixin Ku Saabsan Horumarka Gobolka Sool

0
551

Laascaanood (HP): Gobolka ayaa sanadkan ku talaabsaday horumar dhinacyo badan leh oo si weyn looga dareemayo dhinacyadda waxbarashadd, caafimaadka, amniga, ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Bulshadda gobolka Sool ayaa si weyn u soo dhaweeyay horumarkan dhinacyadda badan ee ka tisqaaday gobolka Sool gaaar ahaana magaaladda Laascaanood.

Waxaanay dadweynaha reer Laascaanood ku amaaneen maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood, taliyaha qaybta booliska Sool iyo masuuliyiinta kale ee gobolkaasi in ay si hagar la’aana u shaqeeyeen.

Iyadoo ay bulshadu si weyn ugu riyaaqday nidaamka shaqo wanaaga iyo nabadgeliyadda ee ay masuuliyiintaasi oo u badan dhalinayro ka hirgeliyeen gobolka Sool iy magaaladda Laascaanood.

Telefishanka qaranka Somaliland ayaa warbixin uu ka diyaariyay horumarka ka tisqaaday gobolka Sool waxa ay bulshadu kaga hadleen sida ay u arkaan waxyaabaha ka qabsoomay gobolka.

halkan Ka Daawo Warbixintaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY