DAAWO SAWIRADA Waxyaabaha Sixirka Ah Ee Gurigooda Laga Soo Gurey Qoyskii Dhawaan Dhibaatadu Ku Habsatay Iyo Noocyada Ay Ka Kooban Yihiin Waxyaabahani

0
4678

Burco,(HargeisaPress) —Iyada oo ay dhawaan ahayd kadib markii ay qoys ku nool magaalada Burco ay la kulmeen arrin ka yaabisay culimada iyo bulshada magaalada Burco oo ahayd in biyaha ay is yidhaahdaan qoyskani cabba ay hal mar un isku badalayeen biyo leh xumbada Saabuunta halka ay cuntaduna ay midabkeedu is badalaysay isla markaana ay yeelanaysay midabka cunto xumaatay oo kale ayaa waxa maanta gurigii qoyskaasi daganaayeen laga soo gurey waxyaalo kala duwan oo ahaa kuwa dadka lagu sixro.

Waxaana guriga reerka waxyaalahan sixirka ah kasoo gurey Sheekh Jaamac Cismaan oo kamid ah culimada dadka ku dawaysa quraanka iyo dhirta waxaana uu sheegay in qoyskan loo qabtay sixir isla markaana sixirkan lagu aasay guriga dhinaciisa.

Waxyaabahan qoyska gurigooda laga soo gurey ayaa ahaa bac lagu soo guray Timo, Saddex Musbaar , saddex Lafood oo timira ah,, qardhaas, malmal iyo xildiid,waxaana lagu aasay dhinaca guriga ay qoyskani daganaayeen.

Qoyskan ayaa la sheegay in biyihii ay cabayeen caadigoodii kusoo noqdeen markii laga saaray guriga sixirka halka markii hore biyuhu ahaayeen kuwo leh xumbada Saabuunta.

Sheekh Jaamac Cismaan ayaa gubay sixirkii loo aasay qoyskan,ilaa hadda lama garanayo cidda u aastay iyo sababta loogu aasay toona.

Sawiradan waa sawirada waxyaabaha laga soo saaray guriga ay dagan yihiin qoyskan dhawaan la kulmay dhacdadan la yaabka badnayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here