Daawo Muuqaal: Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Xarunta Hubinta shidaalka soo dega + SAWIRRO

0
1027

Berbera, (HargeisaPress) —Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, oo maalmahanba ku sugnaa magaalo madaxda gobolka saaxil ee berbera ayaa maanta kormeer ku soo maray haamaha shidaalka berbera.


Waxaana madaxweynaha halkaasi war bixin kooban ka siiyey maareeyaha haamaha shidaalka berbera sheikh Saleebaan Siciid Aw Cali, oo sheegay in ay socoto hawshii madaxweynuhu uu bil ka hor uun dhagaxa dhigay maantana ay halkaasi marayso, waana dhismaha laab casri ah oo lagu baadhi doono shidaalka dalka si shacbigu u helaan shidaal tayeysan oo baabuurta iyo caafimaadka dalkaba u wanaagsan, isaga oo sheegay maareeyuhu inay gacanta ku hayso hawlahaasi oo ay la kaashadeen ka maamul ahaan shirkado caalamiya oo ka shaqeeya Dalka Kenya iyo Jabuuti.

DSC_0125

Madaxweynuhuna waxa uu ku hambalyeeyey maareeyaha iyo maamulka haamaha sida ay isaga xilsaareen masuuliyada culus ee ay shacbiga iyo  qaranka u hayaan.

DSC_0146

Intaasi ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo guryo noqday magaalo madaxda Somaliland ee hargeysa oo si weyn loogu soo dhaweeyey madaxweynaha jidadka caasimada ilaa inta uu ka gaadhayey qasriga madaxtooyada.

DSC_0121

DSC_0130

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here