Daawo: Heesihii Laga Qaaday Barnaamijkii Ciida Ee Badda Cas TV

0
723

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Maadaama oo lagu guddo jiro maalintii labaad ee dabaal-dega munaasibadda Ciidul-Adxa,  waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb ka mdi ahayd barnaamijkii ciida ee telefishanka Badda Cas ee shalay.

Barnaamijkaasi oo ahaa mid aad u xiiso badan waxaaa marti ku ahaa fanaaniin kala duwan oo ka mida kuwa loogu jecel yahay dhegaysiga heesahoodda.

Iyadoo ay fanaaniintu ku soo bandhigeen heeso badan oo ay daawadeyaasha TV-ga ku madadaalinayeen, isla markaana uu daadihinayay weriye C/fataax Ismaaciil Mursal, oo ah tifaftiraha Badda Cas TV.

 

Faaniintii barnaamijka shalay ee Badda Cas waxaa marti ku ahaa fanaaniin ay ka mid ahaayeen fanaanka caanka ah ee  Khadar Ilkacase, fanaanadda caanka ee reer Jabuuti Xabiiba Bal-balaaf iyo kuwo kale.

Qaybta barnaamijkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa hees aad u xiiso badan oo uu qaadayo fanaanka Khadar Ilkacase, taasoo magaceedda la yidhaahdo Amiiraa. Taasoo uu qisadii laga sameeyay ka sheekeeyay fanaanku.

Halkan Ka Daawo heesta Amiira iyo Codka Baxsan ee Fanaan Khadar Ilkacase:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY