Daawo: Furitaankii Bandhiga Carwadda Buugaagta Laascaanood

0
865

Laascaanood (HP): Bandhiga carwadda buugaagta ee magaaladda Laascaanood ayaa shalay si rasmiya uga furmay magaaladaasi, iyadoo ay madashii daah-furka ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa daah-furay Carwada buugaagta ee magaalada Laascaanood.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay furitaanka carwadaasi ayaa sheegay in hirgalinteeda uu juhdi badani ka galay xukuumadda taladda dalka heysa.

Furitaankii carwadaasi waxaa ka soo qayb galay, xubno ka mida golaha wasiiradda Somaliland, xubno ka socday labada xisbi mucaarid, qaar ka mida golaha wasiiradda ee DDS, madax dhaqameed, iyo marti sharaf kale.

Munaasibadan oo ka qabsoontay garoonka kubada Cagta ee Cabdi Bile Cabdi ayaa lagu soo bandhigay agabyada hiddaha iyo dhaqanka iyo noocyadda kala duwan ee buugaagta ay bulshooyinkii ka soo qayb galay ay qoreen.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Hadaladii Laga Jeediyay Furitaanka Carwadaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here