Daawo: Barnaamij lagu Lafa-garay Saamaynta Dhaqaale & Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Joojinta Gaadiidka Gurran & Vitz-ta!

0
760

Hargaysa(HP): Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay go’aan ay sheegtay inay ku joojisay keenista Gaadiidka Isteerinka Midigta ku leh, Geerkana bidixda oo ah gaadiidka ugu badan ee tabannaankii sano ee u dambeeyey laga isticmaalayey dalka iyo sidoo kale Gaadiidka Vitz-ta oo dalka looga yaqaanno Dukhaan, kaas oo ah gaadiidka ugu badan ee sannadahan dambe ay dadweynuhu Tagsi ahaan iyo shaqo-abuurba u adeegsadaan.

Haddaba, waxaynu Barnaamijkan ku eegi doonnaa waxa Xukuumaddu u cuskatay, siduu ku yimi, saamaynta ka dhalan karta ee dhinacyada dhaqaalaha Bulshada ku tiirsanayd nolol ahaan iyo ka ay dowladdu ka heli jirtay, saamaynta siyaasad ahaan uu keeni karo iyo awoodda sharci ee go’aankan oo kale Xukuumaddu ku qaadan karto, waxaynu Barnaamijkeenna isku dul-taagi doonnaa qodobbadaas iyo kuwo kale oo muhiim ah.

Aynu ku horreyno Go’aankaas Xukuumadda ee joojinta Gaadiidka khuseeya oo noqday arrinka ugu hadal-haynta badan, tan iyo markii ay Golaha Wasiirrada Somaliland ee Xukuumadda Madaxweyne Muue Biixi ku ansixiyeen Shirkoodii 66-aad oo qabsoomay Khamiistii ay taariikhdu ahayd 5-ta bisha 11-aad ee sannadka 2020-ka. Waxaana War-saxaafadeed madaxtooyadu ka soo saartay Shirkaas oo loo qaybiyey Warbaahinta oo lagu xusay sababaha loo cuskaday, lagu yidhi;

“Golaha Wasiirradu wuxuu ka dooday wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka gaadiidka iyo wado marista Somaliland, Xeer Lr.56/2013, xeerkan oo ka mid ah xeerarka ugu muhiimsan ee qaranku leeyahay, waxyaalaha muhiimka ah ee uu ka hadlayana ay ka mid ahayeen:- Nidaamka maamulka gaadiidka iyo diwaangelintooda.

 Noocyada kala duwan ee gaadiidka.

 Ruqsada wadisa gaadiidka.

 Nidaamka waddo-marista iyo haadadka

 Badbaadada gaadiidka iyo hannaanka badqabka gaadiidka.

Xeerkaas oo ay fulintiisa qayb muhiima ka yihiin hay’ado badan oo xukuumadda ah.

Warsaxaafadeed oo sii socda, waxa lagu yidhi; ‘Dhinaca kale, guddi hore golaha Wasiirradu ugu xilsaaray ka soo talo-bixinta gaadiidka gurran ee dalka laga isticmaalo, ayaa golaha la wadaagay warbixin ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa gaadiidka gurran iyo gaadiidka yaryar ee aan manfaca badan u lahayn bulshada, iyagoo xusay in tobankii bilood ee u danbeeyey 2020-ka ay dalka soo galeen in ka badan 8,628 gaadhi oo badankoodu ay yihiin baabuurta aan manfaca muhiimka u lahayn bulshada.

Haddaba, Dood iyo falan-qayn dheer ka dib goluhu wuxuu go’aamiyey in aan gebi ahaanba la soo dejin karin gaadiidka gurran ee isteerinka ku leh dhinaca midigta, si la isu waafajiyo gaadiidka dalka laga isticmaalo iyo haadka saxda ah ee dalka. Waxa kale oo goluhu go’aamiyey in la joojiyo gaadiidka aan manfaca u lahayn bulshada gaar ahaan gaadiidka yaryar ee Vitz. Goluhu wuxuu wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka u xilsaaray hirgelinta go’aamadaas.” Sidaas ayaa lagu yidhi Warka Madaxtooyadu ka soo saartay Shirka Wasiirradu go’aankaa ku ansixiyeen oo uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Maaddaama oo Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan ay golaha Wasiirradu hirgelinta go’aankoodaas u xil-saareen, waxa la weydiiyey Wasiirka suuragalnimada go’aanka fulintiisa loo igmaday, mar haddii gaadiidka dalka laga isticmaalo in ku dhaw boqolkiiba boqol ay yihiin gaadiid gurran iyo weliba vitzta oo shaqa-buurka meel sare kaga jirta waxa qorshaha lagaga maarmi karo ee ay u hayaan bulshada, waxa uu ku dooday in shilalkoodu bateen, isla markaana ay tiro badan dalka ku joogaan.

Haddaba, go’aanka Xukuumaddu ku joojisay Gaadiidka, gaar ahaan Vitzta iyo Doodda Wasiir Abbokor, sidee ayey u arkaan Shacabka Hargeysa ee adeegsada iyo weliba Tagsiilayaasha iyagu ku shaqaysta Vitsta?

Dhaqaalaha ay Dowladda ka soo gala Gaadiidka kuma koobna oo keliya inta Shaxda ka muuqata oo ah Dakhliga soo degista. Hase-yeeshee, waxa intaas dheer cashuurta waddo-marista iyo Liisammada, Buugaagta iyo kala wareejinta Baabuurta oo ay dowladda dhexe qaaddo iyo cashuurta diiwaangelinta ee ay dowladaha hoose ka qaadaan Tagaasida.

Markay sidaas tahay Dowladdu dhankeeda ma ku waayi kartaa dhaqaalahaas haddii ay hirgeliso go’aankan? Waxaan su’aashaa hordhigay Liibaan Cabdi Xasan (Shaadirodi) oo Xidhiidhka caalamiga ah iyo cilmiga Maamulka iyo Maaraynta Bulshada ka dhiga Jaamacadda New Generation ee magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland go’aankan ay qaadatay ee joojinta Gaadiidka guud ahaan, gaar ahaan Vitzta oo aynu gaar ugu lafa-gurayno Barnaamijkeennan, sharci ahaan siday u qaadan kartaa go’aan sidan oo kale bulshada u saamaynaya? Waxaan su’aashaa weydiinnay Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacalluul oo ah Sharciyaqaan deggan magaalada Hargeysa, isla markaana Bare ka ah qaar ka mid ah Jaamacadaha Hargeysa oo uu culuumta Sharciga ka dhigo.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-Xoog) oo ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland, lagana soo doortay gobolka Maroodi-jeex, ayaa ku doodaya inaanay go’aankan oo kale fulin karin Xukuumaddu illaa ay Baarlamaanka ka ansixiso, maaddaama oo uu saamaynayo Bulshada ay wakiilka ka yihiin.

Dhanka kale, Xoghayaha Hawlaha guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cali Cantar iyo Xoghayaha arrimaha bulshada mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Xukuumadda Somaliland soo saarto go’aan ay ku joojinayso inta badan gaadiidka Dalkeeda laga adeegsado.

Gaadiidka Vitz-ta, ayaa ka mid ah gaadiidka yaryar ee dheereeya, isla markaana badi ah kuwa kuwa Shaqeeya Baadroolka, ee aan shidaalka badan cunin, waxaanu markii ugu horreysay gaadiidkani Somaliland soo gaadhay 2013-kii, markaas oo ay keentay Shirkad la odhan jiray Raaxo city Taxi oo iyadu wada-yaasha ku shaqaysta qiimo go’an oo faa’iidada ka mid ah ka qaadi jirtay oo illaa toban dolar ahayd, taasoo markii dambe iibisay gaadiidkaas oo qiimaha lagu raacaa ka qaalisanaa ka maanta tagsiga lagu raaco.

Gaadiidka VITZta wakhtiyadan dambe keliya Tagsi ahaan uun looguma shaqeeyo ee dad badan baa door biday inay iibsadaan, isla markaana ku qabsadaan Adeegyadooda u gaarka ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin cusbitaallo adeegyo caafimaad meelaha aan looga iman karin ku gaadhsiiya, meherado macaamiisha wax ka iibsata ugu adeega iyo qoysas iyaguna adeegsada.

Qiimo ahaan intii aan isticmaalkoodu badan Gaadiidka VITISTA, waxa uu ahaa oo uu ku bilaabmay ugu badnaan laba kun oo doollar, halka marba marka ka dambaysa qiimihiisu kor u sii kacayey. Waxaanu kala iibsiga gaadiidkani qiimihii ugu sarreeyey gaadhay intii go’aanka Xukuumaddu soo baxay ka dib, sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Macdarrada Baabuurta soo dejiya ee magaalada Hargeysa oo aannu booqannay iyo weliba Wiil ka mid ah Dhalinyarada isu diyaarinayey inay wakhtigan iibsadaan Gaadhigan oo ay Tagsi ahaan ugu shaqeeyaan, balse intaanu iibsan go’aankani soo baxay.

Shirkadaha sii casriyeeyey Adeegga Tagaasida ka hawlgala magaalooyinka Somaliland Hargeysa ha ugu badnaatee ee habka tignoolajiga ama Mobile Ab-ka u beddelay dalabka tagaasida, fududeeyeyna isku-xidhka Tagaasida iyo Dadweynaha, ayaa iyaguna ku soo batay Dalka. Sidaa daraaddeed, Shirkadda Dhaweeye oo ah ta Tagaasida ugu badani u diiwaangeshan yihiin wakhtigan, ayaannu isku daynay inaannu dhankooda wax ka weydiinno saamaynta uu ku yeelan karo go’aanka ay Xukuuumaddu ku joojisay VITISta, hase-yeeshee, Masuuliyiinteedu way ka gaabsadeen inay nala hadlaan.

Si kastaba ha ahaatee, Bulshada Somaliland waxay dhawraysaa sida ay Xukuumaddu u fuliso go’aammadaas ay 5tii November 2020 soo saartay ee lagu tilmaamay kuwo aanay dhanka togan ka eegin iyo haddii ay fuliso saamaynta ka iman karta sida ay u maarayso amma u maarayn doonto. Sidoo kale waxa looga baahan yahay Xukuumaddu inay ka jawaabto su’aalaha kala duwan ee bulshadu iska weydiinayso tallaabadan aan qeexaadda sababaha rasmiga ah ee loo qaatay aanay weli dadweynuhu sax u fahmin.

Haddaba, Barnaamijka oo dhammaystiran, isla markaana qodobbadaas oo dhan lafa guraya, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawo:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY