Daawo + Akhriso : Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda Somaliland oo ka Hadlay Sugnaanta Amniga Badda, Beeniyayna in Kootara Baan laga dhoofiyo Xeebaha Somaliland

0
1071

Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada xeebaha SomalilandHargeysa,(HargeisaPress) — Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan Cabdi, oo ka jawaabayay warar sheegayay inay dayacan yihiin Xeebaha Badda Somaliland waxa uu sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayaan Badda Somaliland.

Hadalka Taliyaha Xeebaha ayaa ka dambeeyay, warar warbaahintu baahisay oo sheegayay Ugaadh si Kootara baan ah looga dhoofiyo Xeebaha Somaliland. Waxa uu sheegay inaan Ciidanku meel kasta taagnayn, hase ahaatee aanay suuro gal ahayn in Kootara baan badan laga dhoofiyo badda Somaliland.

“ Awal hore Ciidankayguna wuu yaraa, Qalabkayaguna wuu yaraa,laakiin maanta labaduba way noo kordheen, sidaas darteed maanta oo qalabkii noo kordhay mid cusubna aanu filayno waxaan filayaa inaanu ka adag nahay Hawshayada. Mida kale idinkaa makhraati ka ah oo badda hawsheedu way fara badan tahay, waxaa ka mid ah Cawgan Budhcad baddeedka ee Dalkan aynu jaarka nahay inagaga soo butaacay, wali ma jiro hawl gal kaliya oo u hir galay” ayuu yidhi Admiral Axmed Aw Cismaan

Taliyaha ayaa sheegay inaanay jirin Kiis kaliya oo ka dhacay Badda Somaliland oo dhinaca budhcad baddeda ah “ Baddeena, Markab kaliya oo la inaga kaxaystay ma jiro, Biyaheena wax laga kaxaystay ma jiraan. Waayo? Maciishadeena iyo Nolosheenu sidan ba ma ahaateen, sababtoo ah Dibadda ayaynu ku noolahay oo Dekadaasi way inaga xidhmi lahayd” ayuu yidhi Taliyuhu isagoo intaasi raaciyay

“Taas Macnaheedu maaha la inooma iman, ee waa la inoo yimid oo Xabsiyadeena waxaa ku jira, Boqol iyo saa’id Budhcad badeed ah, dee Ciidamada ayaa qabtay, waa la inagu soo duulay, waa la isku keen dayay, laakiinse Ciidanka Badda ayaa hawshiisii gutay, Illaahayna ku gargaaray, Dawladda iyo Ciidankuba waajibkoodii ayay ka qabsadeen. Arintaasi waa u Guul Ciidanka oo umaddaa ka markhaati ah, Caalamka ayaa Makhraati ka ah oo wali maydaan Maqal Markab hebel baa Baddeena isagoo ku soo socda laga afduubay”.

Gabagabadii Waxa uu Admiral Axmed Aw Cismaan Cabdi, Madaxweynaha Somalia ugu baaqay inuu ku eekaado Badda Dalkiisa, isagoo tix raacayay hadal ku aadan in Ciidamo tababaran la gayn doono Badda dalkii la isku odhan jiray Somalia oo ka soo yeedhay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Halkan ka Daawo

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY