“D/hoose ee Laascaanood waxaa ka go’an horumarinta iyo dayactirka Wadooyinka”…

0
519

Laascaanood (HP): Dawladda hoose ee magaaladda Laascaanood ayaa mudooyinkanba waxay hawlo dayactir iyo dhismaha waddooyin cusub oo cusub oo laga hirgelinayo gudaha magaaladaasi.

Waddooyinkaasi oo ah kuwa dhex mara gudaha magaaladda Laascaanood ayaa isugu jira kuwo cusub oo Laami ah oo ay hirgelinayo dawladda hoose iyo sidoo kale jidad kale oo bur-bur soo gaadhay oo dayactir iyo dib u habayn lagu samaynayo.

Waxaana maalmahanba waddooyinkaasi ku socday hawlaha shaqo, iyadoo ay gaadiidka dawladda hoose ku hawlanaayeen sidii loo banayn lahaa, loona dhisi lahaa wadooyinkaasi, isla markaana qaarkood loo dayactiri lahaa.

Iyadoo ay gawaadhida Iska-rogooyinka iyo Cagaf-cagafyadda dawladda hoose ee Laascaanood wadeen shaqadda laga qabanayo jidadkaasi.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay xafiiska maayarka Laascaanood C/casiis Taarwale, oo warbaahinta loo kala diray.

Waxaana lagu yidhi warkaasi,  “Waxaan mudooyinkii u danbeeyay dacaytir ku wadnay, Wadooyinka hal-bawlaha ah, ee gudaha  magaaladda Laascanood.

Sidoo kale waxaan hirgelinay Wadooyin cusub oo ay baahi weyn u qabeen bulshadda degmadda Laascaanood”.

Geesta kale warkaasi ayaa lagu sheegay in dawladda hoose ee Laascaanood ay mar walba ka go’an tahay hirgelinta waddooyin cusub iyo sidoo kale dayactirka kuwii hore ee duugoobay.

“Dawlada hoose ee degmada Laascaanood, waxaa mar kasta ka go’an horumarinta Wadooyinka, hirgalintooda iyo dayactirkooda”ayaa lagu yidhi war kooban oo qoraal ah oo uu baahiyay xafiiska warfaafinta ee maayarka Laascaanood.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here