D/Hoose Ee Laascaanood Oo Waddo Banayn Ka Fulisay Xaafadda Wadda Jir

0
695

Laascaanood (HP): Dawladda hoose ee degmadda Laascaanood oo muddooyinkan ba magaaladaasi ka waday hawl-gallo Waddo banayn ah ayaa maanta xaafadda Wadda jir ka fulisay hawl gal lagu baneeyay Waddo muhiim ah.
Hawl-galadaasi Waddo bayanta ah ayay dawladda hoose ee Laascaanood muddooyinkan ba ka waday xaafadaha magaaladaasi ayaa noqonay kii saddexaad, iyadoona ay u jeedadiisu tahay sidii loo soo celin lahaa bilicda magaaladda.


Waxaanay hawl-galkan maanta iyo kuwii hore ba hogaaminayay maayar ku-xigeenka ahna ku-simaha maayarka Laascaanood Axmed Maxamuud Cumar (Axmed-Kawte), iyadoona hawl-galkaasi lagu baneeyay dhul aad u balaadhan.
Maayar ku-xigeenka waxaa hogaaminta hawl galkaasi ku wehelinayay xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Laascaanood C/raxmaan Khadar, xubno ka mid ah golaha deegaanka iyo hawl wadeeno ka tirsan dawladda hoose.

Waddadani maanta la baneeyay ee xaafadda Wadda Jir ayaa ah Waddo weyn oo muhiim ah, iskuna xidhayso laba Waddo ta Kalabaydh ka timaadda iyo mida Manhal, taasoo dhererkeedu dhan yahay 1.5 KM.
Maayar ku-xigeenka Laascaanood Axmed Kawte, oo isagu hawl-galkani hor kacayay ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedadda hawlaha Waddo banaynta iyo tan ay maanta xaafadda Wadda Jir ka fuliyeen.
Waxaanu sheegay maayor xigeenku in jidkani ay maanta baneeyeen uu yahay mid aad u muhiim ah, isla markaana xaafadda ay marto Waddadaasi ee Wadda Jir ay ku yaalla Waddanaha magaaladda Laascaanood.

Axmed Maxamuud Cumar, waxa kaloo uu xusay in hawl-galka Waddo banayntu uu socon doono, isla markaana laga fulin doono dhamaanba sideedda xaafadood ee magaaladda Laascaanood ka kooban tahay.
Geesta kale ku-simaha maayarka Laascaanood ayaa sheegay in maamulka heer degmo, iyo heer gobol, iyo heer qaran ee dawladda jamhuuriyadda Somaliland in ay ku dedaalayaan si dadka reer Laascaanood u jiheeyaan dhabihii horumarka.

Dhinaca kale qaybaha kala duwan ee bulshadda xaafadda Wadda Jir ee hawl galka Waddo banaynta ah ay dawladda hoose ka fulisay ayaa si weyn u soo dhaweeyay qorshahani.
Kaasoo ay ku tilmaameen mid qayb ka qaadanaya horumarka iyo soo celinta bilicda magaaladda, isla markaana ay baahi weyn u qabeen helitaanka Waddooyinka casri ah.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here