D/Hoose Ee Laascaanood Oo Shaacisay Dhisme Lagu Kordhinayo Sarriibadda Magaaladaasi

0
488

Laascaanood (HP): Dawladda hoose ee degmada Laascaanod ayaa maanta shaacisay shirkadda ku guulaystay dhisme lagu kordhin doono suuqa sarriibada magaaladaasi oo dib u habayn lagu samaynayo.
Waxaana dhismaha cusub ee lagu kordhinayo Sarriibadda Laascaanood maal galinayso dawlada hoose ee isla degmada magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mashuuracan oo ay ku tartameen seddex shirkadood ayaa waxa ku guulasatay shirkada magaceedda la yidhaahdo Toosan, iyadoona tartankii loo galay dhismaha mashuuracaasi ay soo diyaarisay gudida qandaraasayada ee dawlada hoose ee Laascaanood.
Shaacinta mashruucaasi waxaa goob joog ka ahaa maayarka degmadda Laascaanood, maayar ku-xigeenka, iyo masuuliyiin ka socday dhamaan shirakadihii ka qayb galay tartankaasi.

Maayarka Laascaanood oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa sheegay in shirkada ku guulastay laga rabo in ay qaranka u dhisto dhisme tayo leh, isla markaana uu noqdo mashuur balaadhan oo anfci doono bulshada ku dhaqan magaaladda Laascaanood.
Sidoo kale maayarka Laascaanood waxa uu sheegay in ay bisha soo socota ay soo bandhigi doonaan tartanka mashuuraca balaadhinta wadada weyn ee dhex marta magaalada.
Geesta kale masuuliyiin u hadlay shirkadihii lagaga guulastay tartankaasi ay dhamaantoodba bogaadiyeen shirkada guulaystay, isla markaa ay sheegeen in tartanku uu u dhacay si cadaalad ah.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY