D/Hoose Ee Hargaysa Oo Guryo U Dhistay 500 Oo Qoys Oo Danyar ah

0
270

Hargaysa (HP): Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa ku guulaysatay inay rartay 500 oo qoys oo danyar ah oo deganaa isku-rarankii Istanbuul ee degmada Axmed Macalin Haaruun.

Qoysaskaas oo deganaa dhul aanay lahayn, waxa la dejiyay dhul ay mulkiyadiisa iyagu leeyihiin.

Waxana rartay Dawladda Hoose ee Caasimada oo u kiraysay baabuur dadka iyo alaabtooda rara.

Waxa kaloo hawlgalkaas oo maayar Cabdikariin Axmed Mooge, horkacayey ka qaybgalay shaqaale tiro badan oo u gacan siinayey qoysaska la raray.

Qoysaska la raray ayaa ka mahad sheegtay sidii loo raray iyo qaabkii loo dejiyayba waxaanay sheegeen in guusha u weyni ay tahay inay heleen dhul ay iyagu leeyihiin.

waxaanay u mahadnaqeen maamulka Dawladda Hoose iyo shaqaalihii taban taabinayey.

Geesta kale maayarka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa u mahad celiyay shaqaalaha dawladda hoose oo uu ku ammaanay xilkasnimada ay uga hawlgaleen dadkoodii la rarayey.

Hargeisa Press.com/Hagreisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here