D/Hoose Ee Burco Oo Awaamiir Ku Soo Rogtay Geerashayadda Gawaadhida

0
475

Burco (HP): Dawladda hoose ee magaaladda Burco ayaa ku amartay Geerashleyaasha ku yaalla suuqyadda magaaladaasi in ay ka guuraan goobaha ay hada degan yihiin.
Waxaanay uga digeen in haddii ay ku guuri waayaan intabka horaysa bisha Jenuary ee sanadka soo socda in tallaabo laga qaadi doono.
Meheradahan loo digay ayaa isugu jira Geerashleyaasha ka shaqeeya hagaajinta baabuurta iyo kuwa fur-furleyaasha loo yaqaano.


Sidaasina waxaa sheegay xoghayaha dawladda hoose ee degmadda Burco Cismaan Maxamed Xaaji, oo maanta warbaahinta la hadlay.
Tallaabadaasi ayay dawladda hoose ee Burco ku tilmaameen mid kor loogu qaadayo bilicda magaaladda.

Daawo: Xoghayaha Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY