Cusbitaalka Daryeelka Hooyadda iyo Dhalaanka Oo Laga Hirgeliyay Degmadda Widh-widh

0
1326

Widh-widh (Hargeisa Press): Cusbitaal loogu tallo galay daryeelka hooyadda iyo dhalaanka ayaa laga hirgeliyay degmadda Widh-widh ee gobolka Buuhoodle, kaasoo hadda dhismihiisu meel gabagebo ah marayo.

Cusbitaalkan oo ay lacagta ku baxaysa iska soo ururiyeen qurbe joogta degaanka u dhashay ee ku nool wadamadda dibadda ayaa ka kooban qaybo badan.

Waxaana   dhismaha cusbitaalkan gacanta ku haysa shirkadda dhismaha ee Kawniin construction company, iyadoo la filayo in dhawaan la dhamaystiro dhismaha cusbitaalkaasi oo hadda gebagabo maraysa.

Axmed Cali Jiilaal, oo ka mida odayaasha degaanka Widh-widh ayaa ka warbixiyay halka uu marayo dhismaha cusbitaalkaasi, isagoona baaq u diray qurbe joogta degaankaas ka soo jeedda iyo cid kastoo gacan ka gaysan karta dhamaystirka dhismaha cusbitaalkaasi.

Sidoo kale oday Axmed Cali Jiilaal, ayaa ka codsaday  xukuumadda Somaliland in ay keento waxyaabaha kale ee cusbitaalka daryeelka hooyadda iyo dhalaanka ee Widh-widh u baahan u baahan yahay, sida daawadda, kal-kaaliyeyaasha caafimaadka iyo wixii qalab ah ee kale.

Oday Axmed Jiilaal, oo faahfaahin ka bixinayay cusbitaalkaasi iyo waxyaabaha uu u baahan yahay waxa uu yidhi “Halkan aan joognaa waa cusbitaalkii cusbaa ee Widh-widh laga dhisayo, imika wuxuu marayaa gebagebadii. Cusbitaalkani waa cusbitaal weyn, waxaanu khaas u yahay carruurta iyo dumarka iyo wixii kale ee bukaan socod ah. Waxaana loogu tallo galay in uu anfaco, Widh-widh iyo degaamadda hoos yimaadda”.

“Waxaanan rejaynaynaa in aan ilmo danbe iyo hooyo danbe, haddii loo hello waxyaabaha uu u baahan yahay, ee qalabaynta iyo shaqaalaha iyo dhakhaatiirta aan meel kale la gayn doonin.

Waanu soo dhawaynaynaa cid kastoo wax gashanaysa, cid kasta na waa u dan. Ummada waa u dan, dadka wax gashanaya-na waa u dan, waa wax loo baahan yahay”ayuu yidhi oday Jiilaal.

Geesta kale Axmed Cali jiilaa, waxa uu sheegay in dhibaatooyinka degmadda Widh-widh ka jira ee laga yaabo in ay caqab ku noqdaan in uu si fiican u shaqeeyo cusbitaalkaasi ay ka mid yihiin biyo la’aan iyo waddo xumo.

“Waxaa noogu sii daran wadadda oo Raf ah oo ay dhacdo in qofku uu jidka ku sii dhinto, inta magaalo kale loo sii waddo,  iyadoo aan la mari Karin waddadan.  Biyo  la’aan-na way jirtaa, oo ma hayno.

Waxaanan ka cabsi qabnaa haddii cusbitaalka daawo iyo dhakhaatiir la keeno, in uu biyo la’aan u xidhmo.  Inkastoo wasiirka biyaha Saleebaan Cali koore uu naga balan qaaday in uu biyaha soo horaysiinayo”ayuu yidhi oday Axmed Jiilaal, oo maanta  u waramay TV-ga qaranka  Somaliland.

Degmadda Widh-widh ee gobolka Buuhoodle ayaanay hore uga jirin wax xarumo caafimaad ah, taasoo ay dhibaato weyn ku qabeen dadka ku nool degmadaasi iyo degaamadda hoos yimaadda.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY