Cusbitaalka Booliska Burco Oo Adeegyo Caafimaad Siinayaya Ciidanka

0
501

Burco (HP): Cusbitaalka ciidamadda booliska ee gobolka Togdheer ayaa maanta laga daah-furay adeegyo caafimaad oo loogu tallo galay in ay ka faa’iidaystaan ciidamadda booliska ee gobolkaasi.

Barnaamijkaasi ayaa maanta laga daah-furay cusbitaalka ciidamadda booliska oo ku yaalla magaaladda Burco, iyadoo adeegyadan caafimaad waxaa fulinaya laba dhakhtar oo muwaadiniin ah,

Kuwaasoo bixinaya adeegyadda caafimaadka ee qaybta  baadhista Indhaha iyo qaybta baadhista Macdanaha, sida Kelyaha, Caloosha, Gaasteriga iyo waxyaabo kale.

Qalabka baadhitaanadan lagu samanayo  iyo daawooyinka waxaa ugu deeqay laba dhakhtar oo muwaadiniin ah.

Waxaanay hawlaha shaqo cusbitaalka ciidamadda booliska Burco ka fulin doonaan todobaadkiiba hal maalin.

Munaasibadii daah-furka barnaamijkaasi ee maanta waxaa goob joog ka ahaa taliyayaha qaybta booliska gobolka Togdheer gaashaanle dhexe Cali Maxamed Faarax.

Agaasimaha cusbitaalka ciidamadda booliska ee gobolka Togdheer iyo labadda dhakhtar ee hawlahan caafimaad fulinaya.

Taliyayaha qaybta booliska gobolka Togdheer gaashaanle dhexe Cali Maxamed Faarax, ayaa uga mahad celiyay dhakhaatiirtan hawlaha caafimaad u samaynaya ciidamadda booliska gobolka Togdheer.

Sidoo kale taliyaha ayaa  u mahad celinayay dhakhtarka caafimaadka u qaabilsan ciidamadda booliska gobolka Togdheer, oo uu sheegay in uu mar kasta heegan u yahay hawlaha shaqo.

Daawo: Hadaladii Taliyaha iyo Dhakhaatiirta:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY