“Colaadda Ceel-Afweyn waa Boog ku taalla Somaliland gobolka Sanaag-na duruufo ayaa”…

0
619

Ceerigaabo (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha xafiiska guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in aanay sidii la rabay u gudan Karin caqabo iyo xaalado gobolka ka taagan awgeed.

Caaqil Axmed Jaamac Ismaaciil, oo ku magac dheer Axmed Dafac, waxa uu tilmaamay in ay jiraan duruufo badan oo ku xeeran xiligan oo sababay in aanay suurto-gal u ahayn in ay qabtaan hawlaha guddiga.

Waxyaabahaasi ayuu sheegay in ay ka tahay colaad beeleedka ka taagan degaamo gobolka Sanaag ka tirsan ay  saamayn ku yeesheen hawshii ay qaban jireen ee baraarujinta bulshadda iyo ka wacyigelinta dhaqamadda xun-xun.

Isagoo ka hadlayay wakhtigii xafiiskoodda Ceerigaabo la furay iyo hawlaha ay qabtaan, waxa uu yidhi “Xafiiska guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista, ee magaaladda Ceerigaabo waxaa laga furay sanadkii 2004-tii. Anigu muddo ilaa afar sanadood ku dhaw ayaan guddoomiye ka ahay xafiiskani.

Xafiiskani waxa uu ka shaqeeyaa wax kastoo ka soo hor jeedda diinteena suuban ee Islaamka, ama anshax xumo ah ayuu qabtaa, wixii awoodiisa ah”.

Guddoomiyaha xafiiska guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista ee gobolka Sanaag waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay caqabadaha ay la kulmaan xiliga ay gudanayaan waajibaadkoodda shaqo iyo waxyaabaha sababay.

Waxaanu yidhi “Caqabo way iska jiraan, gobolka Sanaag-na waa gobol ay imika duruufo badani ku xeeran yihiin. Waxyaabo badan oo aanu qaban lahayn ayaan noo suurto-gelaynin. Waxaana ka mida anagu waxaanu ka hadal naa waa fikir iyo tallo iyo wacdi.

Waxaanu baraarujinayaa bulshadeena wixii anshaxa xun ama diinteena carqalad ku ah, sida diin cayga, isla joogta iyo khamriga.Waxaana naga caawiya hawlahaasi maxkamadaha iyo booliska iyo maamulka gobolka”.

Waxaanu intaas ku daray,  “Carqaladaha imika ka jira gobolka Sanaag iyo magaaladda Ceerigaabo waxaa ka mid ah, iyadoo anaga iyo maamulka gobolka iyo bulshadda inteedda kale-ba waxaanu ku hawlan nahay nabadgeliyadda”ayuu yidhi Axmed Dafac oo xafiiskiisa Ceerigaabo ugu waramay Star TV.

Guddoomiyaha xafiiska guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista Ceerigaabo, waxa kaloo uu ka hadlay caqabadda ugu weyn wakhtigan ka haysata guddashadda shaqada ay qabtaan.

Waxaanu yidhi “Anigu caaqil ayaaban ahay oo nabad geliyadu mar kasta Tuurta ayaabay ii saaran tahay. Intii aan guddiga wanaag farista Sanaag guddoomiyaha ka ahay iyo ka hor-ba.

Arrimaha ugu waaweyn ee hawshayadda caqabadda ku ah waxaa ka mida nabadgeliyadda. Horta haddii aan nabadgeliyo la helin wax kaloo laga shaqayn karaaba ma jiraan.

Wax walba waxaa koow ka ah, waa nabadgeliyadda. Markaa imika waxa ugu weyn ee aanu ku hawl nahay waa nabadgeliyadda”.

Dhinaca kale Caaqil Axmed Dafac, oo wax laga waydiiyay xaaladda colaad beeleedka ka taagan degmadda Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa dhacdooyinka halkaas ka dhaca ku tilmaamay boog ku taalla Somaliland.

Waxaanu sheegay in dhibaatadda soo noq-noqotay ee Ceel-Afweyn in aan weli sidii saxda ahayd loo gelin, isla markaana loo baahan yahay in loo wada guntado dhamaystirka arrintaasi.

“Arrinta Ceel-Afweyn muddo badan ayay soo noq-noqonaysay. Shalay-na (Doraad) waxaa la odhan karaa wixii ka dhacay waxay ahayd Mashaqo weyn, oo aan macquul ahayn, Maati ayaana ku dhimatay. Arrintaasi waa Boog ku taalla Somaliland.

Waxaanan is leeyahay weli, inkastoo qadarta ALLE (SWT) ay ku dhacayaan wax waliba. Laakiin, asbaabta waa la ina siiyay, masuuliyadda dawladda, ta shacbiga, waayeelka iyo wixii waxgarad ahba waxaan leeyahay, weli sidii ay ahayd ayaynaan u abaarin.

Ragg-na tallo kama dhamaatee, imika waxay ila tahay in fadhiga laga kaco dawlad iyo shicib-ba” Caaqil Axmed Jaamac Ismaaciil, oo ku magac dheer Axmed Dafac.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here