Codsi ku socda Madaxweynaha Somaliland

0
1706
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Ku: Gudoomiyaha Xisbiga Waddani

Ku: Gudoomiyaha xisbiga UCID

KU: Gudoomiyaha Golaha Guurtida

Ku: Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka

13 Feb 2019

Mudane madaxweyne waxaan dhammaanteen ka war qabnaa cadaawadda iyo dagaalka uu bilaabay maalintii xukunka uu qabtay madaxweynaha Somalia ee ku wajahan Somaliland. Waxaa inoo caddaatay halka ugu muhiimsan ee cadawga Somaliland ka faa’iidaysanayaa inay tahay xanaftii ka dhalatay doorashadii Somaliland. Sidaa darted waxaan kaa codsanayaa in xukuumaddu si degdega u xaliso cabashada xisbiga Waddani iyo Arrinta Commission Doorashooyinka Somaliland. Jiritaanka iyo midnimada Somaliland baad wax walba ka weyn.

Waxaa jirta in gudoomiyaha xisbiga Waddani mudane Cabdirahman Maxamed Cabdillaahi (Cirro ) aanu yeelin sidii dhaqankeenna suuban lagu yaqaanay, sidii ummadda Somaliland kusoo caano maashay oo ahayd wadatashi iyo isku tanaasul. Waxay ahayd maadaama xisbiga Waddani laga helay doorashadii inuu gudoomiye Cabdiraxman (Cirro) candhuufta dib-uliqo, u tudho dadkiisa iyo dalkiisa, si sharaf leh na u aqbalo natiijadii doorashada, taageerayaasha xisbigana ku dhiiri geliyo inay adkeeyaan midnimada iyo nabag galyada dalkooda, xisbigana ku guubaabiyo sidii doorashada danbe uu iskugu diyaarin lahaa inuu ku guulaysto. Go’aankaa sharafta leh muu qaadan, arintaasina waxay cadho ku abuurtay taageerayaashii xisbiga dal iyo dibadba oo illaa maanta u arka in xaqoodii la duudsiyey. Waxaa muuqata in gudoomiyuhu kuba baayactamayo furfurka midnimada bulshada Somaliland halkii uu ka noqon lahaa ‘oday ‘ mideeya oo danta iyo jiritaanka Somaliland wax walba ka hor mariya. Xagga xukuumaddana waxaa muuqata inuu kani adayg badan ka muuqdo oo arimo ay xalin kari lahayd is diidsiinayso – kani adaygaasina kalaba qiimo badan yahay xal u helidda arimahan wiiqay midnimadii Somaliland. Maadaama xisbiga Waddani si weyn uga biyo diiday Commission Doorashooyinka xukuumaddu waxay ahayd inay fahanto midnimada ummadda Somaliland inay ka muhiimsan tahay 6 xubnood oo xubno cusub lagu badali karo. Khilaafkaa ay labada dhinacba garan waayeen wuxuu albaab cusub u furay xukuumadda taagta daran ee Amisom ku ilaaliso Villa Somalia oo aragtay fursad dahabiya inay ugu jirto is-maandhaafkaa reer Somaliland dhex yaal – hubaal waanay ka faa’iidaysatay oo waataa siyaasiyiinteennii Xamar looga gacan haadinayo maalin walba.

Dhammaantiin waxaad ogaataan xukuumad iyo xisbiba in mar waluu khilaafkiinnu sii socdo ba aad usii faa’iidaynaysaan dawladda Farmaajo una furaysaan albaabo ay usoo marto waxyeelada Somaliland. Sidaa daraadeed waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kula talinayaa inuu si degdega u kala diro Commsssionka Doorashooyinka, xisbiga Waddani-na ku marti qaado inay xukuumadda kala shaqeeyaan difaaca iyo midnimada bulshada Somaliland. Gudoomiye Cabdiraxmaan na waxaan ku waaninayaa inuu hoos u eego taagta dalkiisa iyo dadkiisa uu mideeyo ummadda Somaliland. Gudoomiyaha Guurtida, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isagu danta guud ee Somaliland mar walba ka hor mariya dantiisa gaarka ah, waxaan ka codsanayaa inay ka hawl galaan arintaa sidii xal degdega Somaliland ugu gaadhi lahayd. Jiritaanka iyo midnimada Somaliland ayaa wax walba inooga qiimo badan.

‘’ Talo waa mar aad garan waydo iyo maraad gaadhi waydo.’’  Waar, danteenna yeynaan garan waayin.

 

Wa Bil Allaahi Tawfiiq

Axmed Ibrahim Kadleye

Ahmed-kadleye@live.co.uk  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here