“Codka in la iibsado waa xaaraan”… Sheekh Dirir

0
628

Hargaysa (HP): Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland oo khudbadii Jimcaha ku soo qaatay halista Laaluushku leeyahay.
Waxaanu ka digay cawaaqib xumada ay leedahay laaluush qaadashadu, weliba dadka madaxda ah, isaga oo si gaar ah uga hadlay arrinta Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland.
Waxaanu yidhi “Waxyaabaha xaaraanta, waxa ka mid ah laaluushka, oo maalmahan suuqiisu xaami yahay, marka iyo waxaas la dhaqdhaqaajiyo, madaxda in ka badan oo ka mid ah marka hore shacabka ayey laaluushaa si loo doorto, marka iyagu soo baxaana, iyagii ayaa laaluush doonaya, ilayn isaga markii hore laga qaaday laaluushe.”

Sheekh Dirir oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan arkayey oo aan aad ula yaabay mid ka mid ah Xildhibaanadii soo baxay, uu qaylinayaa, wuxuu leeyahay Illaahay ka yaaba oo laaluushka aad nagu daldalaysaan naga daaya, ma nihi xoolo daabax ah oo suuqa lagu kala iibsanayo’e.
Waxaanu nahay dad bi’idaam ah oo fikir lehe, doorashadayda noo daaya, isagii ayaa yaabay marka uu arkay lacagta iyo inta ay leeg tahay”.
“Codka in la iibsado waa xaaraan. Ilaahay waxa uu yidhi kuwa iibsanaya cahdiga ay dadka u qaadeen iyo kitaabka ay mareen, kuwaas aakhiro waxba uguma hayo, adduunka waa u calaf la’aan” ayuu yidhi sheekh Dirir.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Mid muhiimka ahi waa in aad ilaashato, Iimaankaaga, akhlaaqdaas, ballanka aad qaaday iyo dhaartaada iyo shakhsiyadaada si aad Ilaahay iyo bulshada dhexdooda aad u ilaashato shakhsiyadaas, una nabad gasho. Haddii aad qaadato Laaluush waxa aad soo gelaysaa Liiska Kuwa la nacdalay, la laaluusha bixinaya, ka qaadanaya iyo ka Dilaalka ahba.”

Hargejsa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY