Codbixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland Oo Si Nabad Ah Uga Bilaabmatay Dalka Oo Dhan Iyo Shacabka Oo Dooranaya Madaxweynihii 5aad + SAWIRRO

0
1453
DOORASHADA MAANTA

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guud ahaan shacabka somaliland ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta ee doorashada madaxtooyada somaliland.

Goobaha codbixinta ee dalka oo dhan oo ka kooban  1,642 goobood ayaa guud ahaanba saaka xili hore la furay, waxaanay wararka hor dhaca ah ee laga helayaa sheegayaan in codbixintu uga bilaabantay si nabad galyo ah.

Guud ahaan ciidamada kala duwan ee qaranka iyo shacabka Somaliand ayaa ku jira heegan buuxa oo ay ku sugayaan amaanka guud ee dalka iyo amaanka goobaha codbixinta.

Doorashada madaxtooyada ayaa si degan oo nabad galyo ah uga socota dhamaan goobaha codbixinta ee dalka oo dhan, iyada oo ay muuqato sida ay shacabka Somaliland iskugu duuban yihiin isla markaana diyaarka ugu yihiin inay si nabad galyo ahu codeeyaan.

LA SOCO WARARKA IYO SAWIRADDA

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here