Ciyaartoy Soomaali Ah oo Liverpool La Saxeexday Heshiis

0
2152

Cabdi Shariif waa wiil Soomaali ah oo u ciyaara Kooxda Liverpool. Wuxuu kooxda la saxeexday heshiis heer sare ah oo uu kaga mid noqonayo laacibiinta ay Liverpool ku tashato.

“Laacibkan khadka dhexe ee 18 jirka ah wuxuu kooxda ka tirsanaa illaa markii uu lix jirka ahaa, wuxuuna seddax sano ka hor billaabay inuu kooxda u ciyaaro”, ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed Liverpool ay soo saartay.

Abdi Sharif

“Wuxuu ciyaaraha ku billaabay tartanka FA-ga ee dhallinyarada, wuxuuna kullankii ugu dambeeyay dhaliyay gool ku laad ay Liverpool ku qaaday koobka. Waxay ahayd markii ugu horeysay muddo 12 sano ah oo kooxda ay heerkaa gaadho”.

Sidey u arkaan Laacibiinta Liverpool

Steven Gerrard wuxuu toddobaadkii hore sheegay “In qaab dhismeedka Cabdi uu u dhigmo ciyaartooyda waaweyn”.

Wuxuuna Gerrard intaasi raaciyey “Cabdi inuu orodka aad ugu wanaagsan yahay, uuna lugo dhaadheeryahay. Wuxuu ka dhex muuqday kooxdiisa iyo ciyaartooyda Keydka, sidaa darteed waxaan isku dayeynaa inaan Cabdi ku boorino sidii uu u noqon lahaa mid ciyaaraha ka qayb qaata.”

Abdi Sharif

“100/100 waan ku raacsanahay, Shariif 17- jir ah inuu tababar uu dhawaan ku qaatay Akaadeemiga kooxda si uu uga mid noqdo kooxda Liverpool.

“Billow aad u wanaagsan ayaan ku billaawday xilli ciyaareedkan, laakiin ciyaartooy kasta wuxuu leeyahay xirfad ciyaareed oo u gaar ah aniguna waxaan wadaa dadaal inta awooddeyda ah.”

“Steven iyo tababaraha wax badan ayey igu dhiirrageliyaan ciyaartoy ahaanna aad ayaan ugu baahanahay. Aniga ahaan si aan xirfaddeyda ciyaareed u soo saaro oo aan ciyaaraha heerkii looga baahnaa uga gaadho, dhiirragelinta noocaasi waan u baahanahay. Steven wuxuu marwalba igala shaqeeyaa sidi aan xirfaddeyda goor walba ku hormarin lahaa.”

Cabdi Shariif wuxuu ku dhahshay Soomaaliya wuxuuna ku soo barbaaray Toxteth, Sharif wuxuu ciyaaraha kubadda cagta billaabay marki ay qoyskiisa u hayaameen dalka UK isaga oo 3 jir ah.

Wuxuuna wakhtiga carruurnimadiisa u la soo qaatay bulshooyinka St Margaret’s iyo Dugsiga hoose Lawrence, inta badan xilliyada uu fasaxa yahay isaga iyo walaalkii oo 9 jir ah kana isaga ayay wada ciyaari jireen kubadda cagta.

“Taageerayaal badan ayaan lahayn aniga iyo walaalkay markaan kubadda wada ciyaari jirnay. Waxaanna ahaa qof adag guul darrada ama in la iga badiyona ma jeclayn” ayuu yidhi ciyaartooyga da’da yar Shariif.

Liverpool oo Koob qaadday

Marka ay da’diisu lix jir gaadhay, Shariif wuxuu nasiib u helay inuu tababar uu ka helo Liverpool wuxuuna si toos ah uu ugu biiray akaadamiyada kubadda cagta Liverpool.

“Marwalba waxaan u eegaa Cabdi Shariif. Markasta oo uu ciyaaraya si gaar ah ayan u daawadaa ciyaaraha soo bandhigo, xeeladihiisa, xirfaddiisa, dabeecadihiisa, sida ay uga go’an tahay inuu kooxda ku soo biro, Shariff wax weliba oo looga baahnaa ciyaartooy waa u leeyahay, gaar ahanna xirfadda ay kooxdan Liverppool u baahnayd waa uu leeyahay.”

Shariif waxaa marar badan loo xilsaaray inuu Kooxda dhalinyarada ee Liverpool uu uga ciyaaro difaaca dambe iyo dhanka midig, balse Cabdi wuxuu aaminsan yahay mustaqbalkiisa fog inuu ka ciyaaro khadka dhexe.

“Marki hore khadka dhexe inaan ka ciyaaro ayaan ciyaaraha laakin marki dambe waa la iga wareejiyey” ayuu yidhi

“Khadka dhexe inaan ka ciyaaro ayaan anigu jecelahay waa haddii ay kooxda ku qanacdo sida aan u ciyaaro. Aniguse mar weliba diyaar Ayaan u ahay inaan khadka dhexe ka ciyaaro” ayuuna sii raaciyey.

“Marka aad carruur tahay iyo marka aad soo weynaatidba waxa aad marwalba ku taameysid waxaa weeyey inaad kooxda Liverpool oo aad ka baxdid kooxda dhlinyarada. Waana waxa ugu wanaagsan ee aan ku taamayo” ayuu shariif hadalkiisa ku soo afmeeray.

HargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here