Cisbitaalka Wan Fang Ee Dalka Taiwan oo Daraasayn Ku Samaynaya Baahiyaha Cisbitaalka Hargeysa

0
1804

Taipei (Hargeisa Press) – Cisbitaalka Wan Fang ee dalka Taiwan, ayaa bilaabaya daraasayn iyo baadhis uu ku samaynayo baahiyaha gaarka ee ka jira Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Wakiilka Somaliland ee Taiwan, Ambasador Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, ayaa sheegay in cisbitaalkan Wan Fang uu waayo aragnimo badan u leeyahay bixinta adeegyo caafimaad oo caalami ah, hawl wadeenadiisuna ay mashaariic ka soo fuliyeen ilaa 42 dal oo hore.

Waxaa uu Danjire Maxamed Xaaji sheegay in ay isla garteen maamulka cisbitaalka in ay bilaabaan hawsha hordhaca ah ee daraasaynta baahiyaha cisbitaalka bisha soo socota dhexdeeda.

Ambasador Maxamed Cumar Xaaji, waxa uu sheegay in dalku baahi weyn u qabo adeegyada caafimaad.

“Horumarinta adeegyada caafimaadku waa kuwo ay Somaliland baahi weyn u qabto, anaga oo taa ka duulayna, shalay waxa aanu kulan gogol xaadh ah la qaadanay madaxda Wan Fang Hospital oo hormood ka noqon doonta hawsha casriyaynta iyo horumarinta cisbitaalka weyn ee Hargeysa (Hargeisa Group Hospital). Kulankani wuxuu daba socdaa oo uu ka midho dhalinayaa heshiiskii caafimaad (Medical Cooperation Agreement) ee 16kii June 2021 ay kala saxeexdeen labadda wasiir arrimo dabadeed.”ayuu yidhi Ambasador Maxamed Cumar Xaaji.

LEAVE A REPLY