Cirro oo Xukuumadda U Soo Jeediyey Inay Soo Bandhigto Qorshaha Ay Ugu Talo-gashay Ardayda Sannad Walba Ka Qalin-jebiya Jaamacadaha Dalka

0
479

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Xukuumadda u soo jeediyey inay soo bandhigto Qorshaha ay ugu talo-gashay Ardayda sannad walba ka qalin-jebiya Jaamacadaha dalka, maaddaama oo ay Shaqo-abuur u baahan yihiin.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo hadal ka jeediyey Munaasibad Qalin-jebineed oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu toddobaadkii u dambeeyay ku mashquulsanaa ka qayb-galka Qalin-jebinaha Ardayda Jaamacadaha, laakiin looga baahan yahay in Xukuumaddiisu la timaaddo Qorshe shaqooyin loogu abuurayo Ardayda.

Guddoomiye Cirro oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Beryahan Madaxweynuhu aad iyo aad buu uga qayb-galayey Qalin-jebinaha (ardayda Jaamacadaha ka qalin-jebiyey), in Ardayda la dhiirigeliyaana way fiican tahay, farxad bay noo tahay qalin-jebintaasi, laakiin waa inay jirtaa Qorshe dawladeed iyo siyaasad dawladeed oo loogu talo-galay Ardayda qalin-jebinaysaa maxay qabanayaan ?, laakiin haddaynu sannad walba soo saarno 5 ama 6 Kun, Jaamacadihii waxay u ekaanayaan kuwa soo saaraya Arday Shaqo-laaweyaal ah ama aan qorshe lahayn..”

Mudane Cabdiraxmaan-Cirro wuxuu farriin u diray Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi “Waxaanu Xukuumadda ku dhiirigelinaynaa inay soo bandhigto siyaasaddii iyo Qorshihii loogu talo-galay Ardayda Jaamacadaha ka qalin-jebinaya..”ayuu yidhi

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY