CIRRO Oo Sii Xoojiyey Murankii Doorashada Madaxtooyada Somaliland + VIDEO

0
1186

Hargeisa, (HargeisaPress) — Musharraxa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo Goor-dhawayd Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in aanay Aqbalayn Natiijada Doorasho aan Xalaal ahayn, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan-Cirro wuxuu sheegay in Doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday 13-kii bishan November, 2017-ka ay ku lamaanaayeen Khaladaad uu sheegay inay ka mid ahaayeen inay codeeyeen Carruur aan Qaan-gaadhin iyo in lagu codeeyay Kaadhadh Dadkii lahaa wakhti hore Geeriyoodeen, sidaa darteed aanay aqbali doonin Xaq-daro iyo wax Sharciga baal-marsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here