Cirro Oo Lacag Ku Caawijiyay Dhallinyarada Gacanta Ku Haysa Garroonka 2-aad Ee Burco

0
492

Burco (HP): Musharraxa kursiga madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa maanta lacag guddoonsiiyay dhallinyarada gacanta ku haysa dhismaha garoonka 2-aad ee Kubadda cagta magaalada Burco.
Musharrax Cabdiraxmaan Cirro, waxaa guddoonsiinta lacagtaasi ku wehelinayay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Lacagta uu Cirro, guddoonsiiyay dhalinyarada ayaa dhan toban kun oo doollar ($10,000), taasoo uu doonayo inuu kaga qayb qaato dhismaha garroonkaasi.
Musharraxa iyo guddoomiyaha WAADNI ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qayb qaatan dhamaystirka garoonka oo ay wadaan dhalinyar is xilqaantay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY