Ciiidamada Booliska Gabiley Oo Xabsiga Utaxaabay Wariye Cabdinaasir Guray Oo Ka Hawlgala Tvga Universal

0
569

GABILEY,(HargeisaPress) -Ciidamada booliska gobolka gabiley ayaa caawa fiidkii xabsiga utaxaabay Wariye Cabdinaasir Guray Meecaad oo hawl gala Tvga Universal Qaybtiisa magaalada gabiley.

Xadhiga wariyaha ayaan wali wax faah faahin ah Aanay ka bixin ciidanka booliska iyo maamulka gobolka gabiley.

Wararka laga helayo xadhiga wariye cabdinaasir ayaa sheegay in ay ka danbaysay kadib markii uu Waxka qoray dhalinyaro yar yar oo maxkamada gabiley xukun ku riday kaasi oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga, sida ay sheegeen xogaha laga helayo xadhigiisu, dhalinya radanahaa kuwo aad uyar yar islamarkaana aan gaadhin da,dii sharcigu ogolaa in maxkamadi xukun ku ridi karto muwaadin loo hayso danbi uu galay.

xukunka maalintii shalayto ahayd ka dhacay maxkamada gobol degmo ee gabiley oo ahaa 4 dhalinyaro ah oo lasheegay inay xadeen moobil oo lagu xukumay 6sano iyo todoba milyan oo ganaaxa wariye naasir meecaad ayaa qoraalkiisu ku saabsanaa ilaalinta xuquuqda afarta wiil oo aad udayaraa baahiyay.

LA SOCO WARARKA DANBE…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here