Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo lagu wareejiyey Shixnad Gaadiidka Badda ah

0
1651

Berbera, (HargeisaPress) –Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa lagu wareejiyey saddex doonyood oo ah nooca dheereeya ee loogu talogalay howl-galada Badda oo ay dawladda Sweden ku caawisay Ciidanka.

Waxa kale oo Mucaawimadan kamid ah saddex Gawaadhi Lancruiser  ah.

Taliyaha Ciidanka Xeebaha Admiral/guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane oo ka hadlay munaasibad balaadhan oo lagula kala wareegay Gaadiidkan, ayaa u mahad-celiyey Dawladda Taakuladan ku deeqday iyo Hay’addaha kale ee la shaqeeya Ciidanka Xeebaha.

Waxa uu sheegay inay dawladda Ingiriisku dhawaan bilaabi doonto mashaariic kale oo Ciidanka lagaga caawin doono kor u qaadista nidaamka lagaga shaqeeyo Xafiisyada, isagoo dhinaca kalena tilmaamay inay Ciidamadu u baahnaayeen qalabkan iyo kor u qaadista aqoontooda. “waxa loo tababaray 15 Sarkaal oo shanba doon ku qoran yihiin, waa howl loo baahnaa” ayuu yidhi Taliye Admiral-guuto Xiirane.

Halkan ka Daawo Warbixin Muuqaal ah

Waxa kale oo munaasibadan ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Saraakiil ka socday Hay’adda ECAP iyo Hay’addo kale oo caalami ah, kuwaasoo soo dhaweeyey Gaadiidkan baaxad leh ee loogu deeqay Ciidanka Ilaalada Badda Somaliland.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa sanadihii u dambeeyey ku talaabsanayey horumar dhanka qalabka, Aqoonta iyo howlgalada ah, waxaanay iminka si buuxda gacanta ugu hayaan guud ahaan Xeebaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here