Ciidanka Dab-demiska Laascaanood Oo Fuliyay Hawl-gal Samatobixin ah

0
635

Laascaanood (HP): Ciidanka Dab-demiska magaaladda  Laascanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta neef xoolo ah ka soo bad-baadiyay meel uu ku dhacay.

Neefkaasi xoolaha ah oo ahaa Ri ayaa ku dhacay Musqul ayay ciidanka Dab-demisku ka soo Samatabixiyeen isagoo nool.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale.

Hawl-galkaasi oo ay maanta ciidanka Dab-demiska magaalada Laascanood fuliyeen kadib markii loogu yeedhay.

“Ciidanku iyagoo adeegsanaya farsamada samata bixinta, waxay ku guuleysteen inay ka soo saaran neefkii isagoo nool” ayaa lagu yidhi warkaasi.

Waxa kaloo warku intaa raaciyay, “Ciidanka Dab-demisku had iyo jeer waxay heegan u yihiin inay bad-baadiyaan noole iyo mood ba”.

Geesta kale, bulshadda ayaa loogu baaqay in haddii ay la kulmaan Dab meel ka kacay ama wax kaloo dhibaato ah in ay la soo xidhiidhaan ciidanka Dab-demiska.

“Fadlan muwaadin hadii aad la kulanto masiibo Dab ama se dhibaato kale, deg deg ula soo xidhiidh lanbarka gurmadka deg dega ah ee 990 oo 24 ka saac ba diyaar laguugu yahay.

990/ Gurmadka degdega ah” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay xafiiska maayarka Laascaanood.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here