Ciidamada Booliska Somaliland oo Gacanta Ku Soo Dhigay Nin Hargeysa Dil Ka Gaystay

0
1537

Hargeisa (Hargeisa Press)– Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay saacado kooban ku qabtay gacan ku dhiigle Toorey ku dilay nin shicib ah ka dib markii uu baxsaday.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gen:C/raxmaan Fooxle ayaa sheegay in muddo kooban gudaheed ku soo qabteen gacan ku dhiigle muwaadin ku dilay magaaladda Hargeysa, waxaanu u hambalyeeyey ciidankii ku guulaystay soo qabashada ninkaasi baxsanayey.

“Xalay waxa uu dil ka dhacay xaafada qoob dameereed, dilkaasi oo uu gaystay gacan ku dhiigle Mustafe Sheekh Maxamed Faarax oo khaarajiye loo yaqaan, waxaa uu dilay marxuum Yuusuf Cali Wayd Cadaani oo labadaba da’doodu yihiin konton jiro, waxaana lagu dilay marxuumka Toorey, waxaanu falkaasi dhacay todobadii iyo badhkii fiidnimo ee xalay.”ayuu yidhi taliye Fooxle oo ka warbixinayey dilkaasi ka dhacay magaaladda Hargeysa.

Waxaanu intaas ku daray “Ciidanka Boolisku waxaa uu gallay hawlgal adag si gacan ku dhiiglaha loo soo qabto isagoo isticmaalay xeelado kala duwan sida jid goyn iyo daba gal, isago wadooyinka uu marayo laga sii xidhay, waxa lagu guulaystay in la qabto sagaalkii iyo badhkii habeenimo, iyadoo lagu qabtay galbeedka magaalada Hargeysa gaar ahaan warshada masaabiirta iyo kaalinta indho birta  agteedda, ciidanku muddo laba saacadood buu gacan ku dhiiglahaasi ku soo qabtay, iyagoo isticmaalaya xeelado kala duwan, waana ku hambalyeynaya ciidanka boooliska wakhtiga kooban ee ay ku qabteen gacan ku dhiiglaha.”

Falkan ayaa xalay ka dhacay degmada Gacan libaax gaar ahaan xaafada Qoob-dameeraad oo ah waqooyi bari ee magaaladda Hargeysa, waxaana lagu soo qabtay gacan ku dhiiglaha degmada Koodbuur ee galbeedka magaaladda, gaar ahaan xaafadda jigjiga yar.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here