Ciidanka Booliska Somaliland oo Digniin Culus U Diray Musharax Cirro

0
1612

Hargeysa (Hargeisa Press) – Ciidanka Booliska Somaliland oo goordhaweyd soo saaray war-saxaafadeed, ayaa waxaa ay digniin culus u direen Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa waxaa ay uga digeen musharaxa xisbiga Waddani dad ay sheegeen inay si sharci daro ah ku hubaysan yihiin oo uu gurigiisa ku soo uruuriyay.

Sidoo kale, waxaa ay uga digeen musharaxa Xisbiga Waddani iyo Cid kasta oo arintaa ku hawlan in ay is ka fogayso dadka sharci darada ku hubaysan iyago haysta Ciidamadii Qaranka ee amnigooda sugaayay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Ciidanka Booliska Somaliland.

“Sida ku cad Qodobka 124 Ee dastuurka JSl iyo xeerka Booliska 63/2013 waxa Ciidanka Boolisku u xil Saaranyahay Amniga Gudaha, waxayna ilaaliyaan qof kasta oo muwaadina Hantidiisa Naf iyo Maal oo ay ka mid yihiin Madaxda Asxaabta Qaranku.

Boolisku isago gudanaaya Wajibaadkiisa sharci waxa uu madaxda Asxaabta Qarnaka la siiyay Ciidan ku filan ilaalinta Naftooda,Guryahooga iyo Xafiisyadooda, iyadoo waliba loogu xoojiyay xubno ciidan oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ( military).

Ciidanka Boolisku waxay la socdeen mudo laga joogo laba week uu musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) uu ka soo guuray Gurigisii hore oo ku yaalay Xaafada pebsiga ee galbeedka Magaalada Hargeysa soona dagay Guri Cusub oo ku yaal xaafada Hodan Hilis ee Bariga magaalada Hargeysa.

Hadaba Ciidanka boolisku waxay ka war hayaan in Todobadkii u dambeeyay ay gurigaa Musharaxu Daganyahay ku soo ururiyeen dad Shicib ah oo si Sharci Daro ah u Hubaysan, kuwaas oo habenkii ka dhinac qabta shaqo la mid ah shaqada ay Ciidanku ka hayaan gurigaas joojiyana Dadka Shicibka ah,  Baadhana Baabuurta Mararka Qarkoodna Ridaan Rasaas Dhamaantoodna ku labisan Direys Tuute ah.

Hadaba waxa lala socodsiinayaa ummadda Jamuuriyada Somaliland ee Nabad-galyada Jecel in ay soo kordheen arimahaas aanu kor ku soo sheegnay oo inagu cusub haday sii socotana noqonasa Dambi khiyaamo Qaran, Sida ku Cad qodobka 221 ee xeerka ciqaabta Guud.

Sidaa Darteed waxaanu uga Digaynaa musharaxa Xisbiga WADDANI iyo Cid kasta oo arintaa ku hawlan in ay is ka fogayso dadka sharci darada ku hubaysan iyago haysta Ciidamadii Qaranka ee amnigooda Sugaayay .

Waxaanaanu u gudbin donaa xeer ilaalinta iyo maxakamada awooda u leh arintaasi aanu kor ku soo  xusnay masuuliyadeeda.”

LEAVE A REPLY