Ciidanka Booliska gobolka Sool oo meel fagaare ah ku gubay Jaad si sharci daro ah loo soo galiyey gobolkaas

0
592

Hargeysa (HargeisaPress) Ciidanka Booliska ee gobolka Sool ayaa  ku  gubay  taliska qaybta Booliska ee gobolkaas Jaad ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada amnigu, waxaana sidoo kale lala qabtay gaadhigii siday Jaadkaasi.

Waxaana goob jooga ka ahaa fagaaraha qaadkaas lagu gubay mas’uuliyiinta gobolka oo ay ugu horeeyaan taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sool gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan (Gooni), maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, iyo guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

waxaana ugu horeyn goobta ka hadlay maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, isagoo  sheegay in sharcigii muddada lagu mamnuucay  qaadku uu sidiisi u taagan yahay, wuxuuna uga digay ciddii kale  ee isku dayda inay qaad soo geliso magaalada Laascaanood in tallaabadan oo kale la marin doono.

Sidoo kale, taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sool gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan (Gooni) oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ay fulinayaan awaamiirta dawladda si caafimaad darrada looga hortago, waxaanu intaasi ku daray in meel fagaare ah lagu gubayo wixii qaad ah ee ay ciidamada Boolisku ay soo qabtaan iyadoo madaxda heer degmo, heer gobol iyo ciddii lagusoo qabtayba ay goob joog yihiin.

Waxa kale, oo isna madashaas ka hadlay guddoomiyha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo sheegay in cid kasta oo dalka soo gelisa wax la mamnuucay sharciga la horgeyn doono, isagoo u mahad-celiyey ciidamada Bileyska kuna booriyey in sidaasi ay heeganka ugu jiraan, waxa kale oo uu sheegay guddoomiyahu in ujeedada ka danbeysa joojinta qaadka ay tahay iyadoo la ilaalinayo caafimaadka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here