Ciidamadda Somaliland oo La Wareegay Saldhig Ku Yaalla Deegaanka Boocame

0
1627

Boocame (Hargeisa Press)- Wararka ka imanaya deegaanka Boocame ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Somaliland ay la wareegen Saldhigii deegaankaasi oo ciidamada Puntland ay hore ugu hayeen gacanta.

Saldhigaasi Boocame ayaa waxa gacanta ku hayey Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasi oo ay kala wareegeen Ciidamo kale oo taabacsan xukuumadda Somaliland oo iyagu hore uga tirsanaa Ciidamada maamulka Puntland.

Ciidamadan la wareegay Saldhiga Boocame ayaa waxay calanka Somaliland ka taageen gudaha saldhigaasi, waxaana hor kacayay ciidamadaasi sida la sheegay Saraakiil caan ka ah deegaanadda maamulka Puntland.

Wararka waxay intaa ku sii darayaan in Ciidamada la wareegay Saldhigaasi ay si xoojisay xukuumadda Somaliland, si ay u kordhiyaan awooda ciidamadda la wareegay saldhigaasi.

Ilaa hada ma jirto cid labadda dhinac ee Somaliland iyo Puntland oo ka hadashay  saldhigyaddan lala wareegay.

Xukuumadda Somaliland iyo Maamulka Puntland ayuu u dhaxeeya dagaal dhinaca xuduudaha ah.

Iyadoo in badan maamulka Puntland weerar ku soo qaadeen ciidamadda Somaliland, haddanna ciidamadda Somaliland ayaa Maamulka Puntland gaadhsiiyey hagar-daamooyin iyo dhibaatooyin ay ka soo waaqsan waayeen.

 

Hargeisa Press Desk/Laascaanood Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here