Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga U Taxaabay Guddoomiyihii Telefiishanka Horyaal

0
827

Hargaysa (Hargeisa Press)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Telefishanka madaxa banaan ee Horyaal TV24 oo xaruntiisu tahay magaaladd Hargaysa.

Maxamed Cismaan Mire (Sayid), ayaa la sheegay in Ciidamadda Booliska ay maanta gelinkii hore qabteen, kadibna ay ku xidheen saldhiga dhexe ee booliska Hargeysa.

Xadhiga guddoomiye Sayid Cismaan Mirre, ayaa imanaya kadib markii xalay ay xarunta Telefishankaasi la wareegeen Ciidamo  ka socday CID oo uu hogaaminayay Taliyaha xarunta Denbi Baadhista Daahir Muuse Abraar.

Iyadoo ay Ciidamadaasi xalay qabsaday xarunta Telefishanku gebi ahaanba shaqaalihii xarunta ku sugnaa ka saareen, isla markaana ku amreen in wax qalab ah ay kala baxaan.

Sababta keentay xadhiga GuddoomiyahaTtelefishan Horyaal 24 ayaa lala xidhiidhinayaa barnaamij uu Telefishanka todobaadkii hore baahiyay oo dood, kala qaybsanaan iyo falan-qayn badan ka dhex abuuray bulshadda.

Barnaamijkaasi ayaa ka hadlayay goobo ay ku Qayilaan Haweenka Dhalinyaradda ah oo ku soo badanaya magaaladda Hargeysa, inkastoo Gabdhahaasi muuqaalkooda la qariyay codadkoodana la dhalan rogay.

Hase yeeshee barnaamijkaasi ayaa noqday mid si weyn saamayn baaxad leh u yeeshay, kaasoo ay qaybo badan oo dadweynaha Hargeysa ah soo dhaweeyeen kuna tilmaameen mid wacyigelin ah.

Halka dadka dhaliilsanaa barnaamijkan oo ay hormood ka ahaayeen ururka Haweenka ay ku doodayeen in barnaamijkaasi uu yahay mid lagu fadeexadaynayo haweenka dhalinyaradda ah Somaliland gaar ahaana Hargeysa.

Geesta kale, Barnaamijkaasi ayaa si weyn uga cadhaysiiyay Wasaarrado iyo Hay’addo ka mid ah xukuumadda Somaliland gaar ahaana kuwa ay shaqadoodu la xidhiidho wacyigelinta bulshadda iyo la dagaalanka fiditaanka mukhaadaraadka iyo dhaqamadda anshax xumadda ah.

Wasaarradaha barnaamijkaasi ka cadhooday waxaa ka mid ah Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ku tilmaantay barnaamijkaasi wax aan jirin oo la been abuuray, isla markaana ah fadeexad ka dhan Haweenka Hargeysa.

Basle arrintaasi ayaa dad badani u arkeen mid ay Wasaaradu kaga gal-galanayso anshax-xumadda iyo balwadaha ku soo kordhay dalka oo aanay marnaba xukuumadda iyo hay’addaha ku shaqadda leh ka hadal.

Taasoo ay ku qarinayaan foolxumooyinka xadhkaha goostay ee ay dalka ka wadaan hay’adaha shisheeyaha ka biil qaata ee ku hawlan sidii loo dhalan rogi lahaa anshaxa suuban ee bulshadda loona fidin lahaa waxyaabaha ku lidiga ah diinta islaamka.

Waxaana loo arkaa  hadalka Wasaaradda Diinta in ay ka danbeeyeen ururro reer Galbeedku taageeraan oo Hargeysa degan iyo ururka haweenka qaranka oo ka xumaaday in la soo bandhigo ceebaha dhaqan xumadda ah ee bulshadda ku dhex faafinayaan.

Dhinaca kale dhinacyadda ku xidhan faafinta dhaqamadda ku lidiga ah diinta islaamka ee sida weyn uga xumaaday barnaamijkan uu baahiyay Horyaal24 TV ayaa la sheegay in ay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ku qasbeen in ay mid fadeexad ah ku tilmaanto barnaamijkaasi.

Taasoo ay uga dan leeyihiin si aanay u fashilmin dhaqamadda xun-xun ee ay ururadda haweenka iyo reer Galbeedku maalgeliyaan ee dalka ka jira, iyadoo barnaamijkani uu daah ka fayday fusuqa iyo anshax-xumadda wadanka ka socota. Waxaanay arrintaasi muujinaysa daciifnimadda iyo sida ay wasaaradaha iyo hay’adaha dawladu uga gaabiyeen waajibaadkoodii shaqo, isla markaana ay waajibaadkoodii ugu bedesheen dhaqaale yar oo ay ku guneeyaan hay’adaha shisheeyuhu.

Illaa hadda si rasmiya ugumay hadal Xukuumadu sababta loo xidhay guddoomiyaha Telefishanka Horyaal.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here