Ciidamada Booliska oo Xabsiga Dhigay Samsam Ismaaciil Cartan oo Dhowaan Gabadh Yar oo U Shaqaynaysay Muuqaal Ka Duubtay

0
2837

Hargeisa (Hargeisa Press) — Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa xabsiga dhigay Haweenay Muuqaal ka duubtay, isla markaana Baraha Bulshada ku baahisay Gabadh Yar oo u shaqaynaysay.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Samsam Ismaaciil Cartan ayay Ciidamada boolisku gurigeeda ka soo qabteen Abaaro 12 Dihurnimo ee Maanta.

Samsam Ismaaciil Cartan ayaa hada ku xidhan Saldhiga Koodbuur ee magaalada Hargeisa.

Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku haya baadhitaan khuseeya waxa ku kalifay Muuqaalka ay ka duubtay Gabadhaasi yar ee u shaqaynasay.

Dhinaca kale, maamulka Baanka dhexe ayaa shaaciyay in shaqaale rasmiya ay ka dhigeen Ayaan Maxamed Yuusuf, oo ah gabadha ay tacadiga ku samaysay Samsam Isaamciil taasi oo u shaqanaysay, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Baanka Dhexe.

“Madaxda Sare ee Baanka Dhexe ee Somaliland, markii ay arkeen muuqaalka lagu baahiyay barraha bulshadda ee ku saabsan gabadha yar ee gacanta ku xidhan calanka JSL, taas oo ay muuqatay ku xadgudub xuquuqiyaadka aasaasiga ah ee gabadha yar, isla markaana ay arkeen duruufaha ku gadaaman qoyska gabadha yar.

Waxaa uu Guddoomiyaha Baanku  Go’aamiyay in gabadhaas yar laga shaqaalaysiiyo Baanka Dhexe ee JSL” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Baanka dhexe ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here