Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa Oo Ururiyay Sameecado Ay Ka Baxaan Maxaadirooyin Iyo Nin Masuul Ka Ah Sameecadahaa Oo Xabsiga Loo Taxaabay+Sababta

0
1136

HARGEISA , (HargeisaPress) —Ciidamada booliska magaalada hargeysa ayaa xalay gudaha magaalada hargeysa ka aruuriyay sameecado ku rakibnaa badhmaha suuqyada magaalada hargeysa ama goobaha bulshadu iskugu timaado ee laga cabo shaaha.

 

Waxana sidoo kalena ciidanka booliska xabsiga u taxaabeen nin masuul ka ah hagidda ama kala badalida sameecadaha oo sida la shegay u kala badala cajaladaha maxaadirooyinka ah e sameecada ka baxa.

 

Waxaana Ruqsad ogolaansho ah siisay gudida wanaag farista iyo xumaan reebista.

 

Sameecadahan ay ka baxaan maxaadiroyinku ayaa waxa hal mar laga maqlay muxaadiro ku saabsan jihaadka oo uu akhriyayeen hogaamiyihii hore ee kooxda alshabaab Axmed Cabdi Godane iyo sheekh Xassaaan oo ah isagu mid taabacsan afkaarta kooxdaas waa sida ay noo sheegeen qaar kamida gudida wanaag farista iyo xumaan reebista.

 

Sidoo kale mar ay Shabakadda Wararka HargeisaPress la xidhiidhey qaar ka mid ah guddida wanaag farista iyo xumaan reebidda ayaa waxay  noo xaqiijiyeen in sameecadahaas laga baahiyey muxaadirooyin uu ku duuban yahay Axmed Godane  oo ku saabsan jihaadka .

 

Waxaana ay ciidamad ammaanka Somaliland xabsiga dhigeen nin ka mid ahaa raggii gacanta ku hayey sameecadahaas,waxaana loo taxaabay xabsiga magaalada Hargeysa.

 

Ilaa hada ma jirto wax warara oo ka soo baxaya dhanka xukuumadda Somaliland iyo laamaha amaanka.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here